16th April 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo billowday bixinta shatiyada shidaal baarista dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah caawa ugu dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa qoraalka uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in balookyada lagu tartamayo ay kala yihiin 52,153,164,165,177,178 iyo 204), kuwaas oo lagu maamuli doono xeerka Batroolka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in 130 maal-gashadayaal caalami ah ay ka qeyb-galeen kulan ay dowladda qabatay oo looga dhawaaqay tartanka bixinta shatiyada shidaal sahminta ee toddobada balook.Ad by Valueimpression

Balookyadan ayaa waxay maamul goboleedyada ugu kala yaalaan:

Galmudug: 152 iyo 153
HirShabelle: 164 iyo 165
Koonfur Galbeed: 177 iyo 178
Jubaland: 204

Qorshahan tartanka shati bixinta ayaa socon doona ilaa bisha Maarso 2021, sida uu sheegay wasiir Hilaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo oo la qorsheynayo in la baaro ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*