28th March 2024  admin  Category :

Beesha Hawiye oo maanta lix xil   loo magcaabay , kuwaas oo kala ah, Agaasime guud , taliye ciidan,abaanduule, agaasime ku xigeen iyo taliye ku xigeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta mas’uuliyiin cusub u magacaabay hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan.

Hoos ka akhriso beelaha ay kasoo kala jeedaan mas’uuliyiinta uu Farmaajo magacaabay:

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada: Beesha Hawiye/Habrgidir/Sacad
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed: Beesha Hawiye/Shiikhaal
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed: Beesha Hawiye/Abgaal
  4. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka: Beesha Shiikhaal, Reer Aw Xasan
  5. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed: Beesha Hawiye/Habrgidir/Sacad
  6. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed: Beesha Hawiye/Murusade
  7. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda: Beesha Daarood/Mareexaan

Mas’iiliyiinta oo 7 ah ayaa 5 ka mid ah waxay kasoo jeedaa Beesha Hawiye, halka midini yahay Reer Aw-Xasan, kan 7aadna Mareexaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*