26th July 2024  admin  Category :

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayuu ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkiga Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Soomaaliya.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*