26th July 2024  admin  Category :

Heshiisyada shidaalka ee Soomaaliya horay ula gashay Turkiga iyo kan haatan laga wada hadlayo

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay iskaashi dhanka tamarta oo u dhexeeya labada wadan. xilli Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Mohamed uu ku sugnaa dalka Turkiga uuna la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

War qoraal oo kooban oo kasoo baxay wadahadalkaas oo bartiisa X ku baahiyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiicga ee dalka Turkigu ayuu ku sheegay intuu socday kulan in looga wada hadlay tallaabooyinka lagu horumarin karo iskaashiga labo-geesoodka ah.

Labada dhinacba mayna si rasmi ah u shaacin in heshiis rasmi ah kulanka lagu gaadhay, balse warbaahinta qaar ayaa daabacay in labada wasaaradood ay heshiis kala saxiixdeen.

Wadahadalkaan ayaa imanaya kadib markii Dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale ah, kaas oo Dowladda Turkigu illaalin doonto xeebaha badda Soomaaliya.

Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa horey uga howl galaayay biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadan iyaga oo ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalayay budhcad badeedda illaa iyo sanadkii 2009 kii.

Wasiirka Difaaca Qaranka Turkiga Yasar Guler (Bidix) iyo Wasiirka Gaashaandiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Dalka

Heshiisyo kale oo shidaal

Sanadkii 2022, Soomaaliya ayaa heshiis shidaal baadhis la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Coastline kaas oo dhigaayay sahminta 7 ceel qodistooduna tahay in ay bilaabato 2025.

Heshiiskaas oo muran dhaliyay ee uu la saxiixday Shirkaddan wasiirkii markaas joogay Cabdirashiid Maxamed ayay ku gacanseyreen madaxda dalka.

Madaxtoyada Soomaaliya ayaana markii warkaas baahay soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay.

Balse heshiiskaas ayay dawladda uu haatan hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh dib u soo celisay isaga oo wax laga beddalay.

Isla sanadka 2022, Somaliland ayaa heshiis la gashay shirkad shidaal oo laga leeyahay Taiwan oo saldhigeeddu yahay London laguna magacaabo General Energy, heshiiskaas ayayna Dowladda Soomaaliya ku tilmaantay sharci darro iyo in uu yahay waxba kama jiraan.

Dalka Soomaaliya oo sahmin shidaal laga samaynaayay tan iyo 1950-kii, ayaan wali shidaal lagasoo saarin. Balse warbixin ay Dowladda Maraykanka daabacday ayaa sheegtay in Soomaaliya ugu yaraan ay haysan karto 30 Bilyan oo foosto oo keyd shidaal ah, shirkado badan Sida Royal Dutch Shell iyo AxxonMobile oo Soomaaliya ka shaqaynaayay ka hor dhicitaankii dowladda ayaana dalka isaga baxay burburkii.

Sidoo kale dawladda Soomaaliya ayaa wareysi ay siisay BBC da ku shaacisay in ay dhammaadka sanadka 2024, la soo saarin doono shidaalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya.

Wadamo badan ayaa loolan xoogan ugu jiraan ka faa’iideysiga kheyraadka dihin ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*