18th July 2026  admin  Category :

Mahaday waxay ka tirsan tahay gobolka uu madaxweynuhu ka soo jeedo ee Shabeelaaha dhexe ee caasimaddu u tahay Jowhar.

Xilligii dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo weriyahan aan hoos ku xusnay muuqaalkiisa ka hadlayo, magaalada Mahaday, degmada Jowar ee gobolka Shabeelaha dhexe waxa gobolkaas ku yaalay warshaddi Sonkorta, warshaddii dharka, mashruuvii fidinta beeraha, mashruucii bariiska, Snai Biasa oo sari saari jirtay waxyaabaha laysku qurxiyo, Huteekii dalxiiska, dugsigii beeraha, dugsii sare ee shabeele ee Maraykanku dhisay, waxa mara webiga Shabeele. Waxa kale oo magaaladan ka tirsanayd Buurane, oo ahayd halka Gawaarida u socota Waqooyiga Soomaaliya ay ku hakan jireen oo dakhli aad u badan ka soo geli gobolkaas. Magaalada Mahaday waxa iyana ku taalay warshaddii kabista hubka ee ciidanka Soomaaliyeed.

Gobolkii sidaas ahaa kooxddii USC ee madaxweynaha hadda xilka hayaa xubinta ka ahaa waxay ka dhigeen bahalo galeen aan lagu noolaan karin sidaas si la mid ahna haddii fursad ay ku soo laabtaan la siiyo Soomali oo dhan ayaa bahalo galeen noqonayso .

Halka uu madaxweyne Culusoow ka dhigay gobolkiisa Bahalo galeen iyo inuu maalin walba yiraahdo Masjid Cali guduud ayaan xoraynay, weriyuhu wuxuu leeyahay Dawladdu Soomaaliya ee Siyaad Bare hogaaminayey dalka waxay gaarsiisay horumar dhan walba leh oo haddad si fiican u dhegaysato aad u malaynayso inii ka hadlayo wadamadsa horumaray ee 2025 jooga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*