17th July 2026  admin  Category :

Maxkamd ku taalla dalka Ireland gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Dublin ayaa xukun ku riday diblumaasi Soomaaliya ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed loona garan og yahay Xuseen kaas oo lagu helay in uu waddanka Ireland si sharci darro ah ku soo geliyey haween uu tahriibinayey.

Ninkan ayaa sannadkan horraantiisii lagu qabtay dalka Ireland ka dib markii ay soo baxday in uu saddex dumar ah ka sii kexeeyey dalka Imaaraadka Carabta isaga oo ka qaatay 14 kun ilaa 15 kun oo Dollar lacag u dhaxaysa.

Markii ay gaadheen Ireland waxa uu isku deyey in uu si xeeladaysan dumarkan u dhaafiyo garoonka isaga oo ku sheegay in ay yihiin marwadiisii iyo ubad uu dhalay.

Baadhitaan la sameeyey ka dib, waxa la ogaaday in dumarku ay sitaan Passport qaldan lagana soo qaaday lacago lagu tahriibanayo, waxaana ugu dambayn ninkii dalka soo geliyey lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah oo laga jaray lixdii bilood ee uu Xabsiga ku jirey.

Dawladda Ireland ayaa sheegtay in ay ixtiraam u hayso baasaaboorka ka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya balse uu noqday mid loo adeegsado tahriibin iyo arrimo halis ah oo aan la aqbali karin.

Sida xogtu sheegayso ninkan dumarka tahriibinayey waxa uu ahaa diblumaasi sare oo ka tirsan Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa dad tiro badan oo loo qabtay iyaga oo wax tahriibinaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*