27th April 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hargaysa  iyo Siyaasiyiinta Muqdisho  kuwee  xanaaqsan oo Soomaali inteeda kale ka dudaya

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar), aya aflagaadeeyey Mucaaradka Soomaaliya ee doonaya inay wax hagaajiyaan oo

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa aflagaadeeyey siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee  kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Isaga oo ku sheegay inay xanaaqsan yiiin

Xildibaan Fowsiya Xaaji Aadan, oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, horayna u ahaan jirtay wasiirka arimaa dibadda Soomaaliya ,  kana soo jeeda beesha Isaaq ayaa iyada oo xanaaqsan maanta waxay  warbaahinta ka sheegtay “Canaanta Madaxweyne Museveni inaan  loo arkin colaad. Iyada oo difaacaysa madaxweyna Ugaanda oo Soomaaliya ku sheegay  dal aan dawlad lahayn

Xuseen Carab Ciise , oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, kana soo jeeda

Beesha Isaaq  horayna u soo noqday Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya,  ayaa isaguna maanta sidan yiri ”  in Soomaaliya ay abaal weyn u heyso dowladda iyo Shacabka Uganda.

 

Siyaasiyiintan wakiilka uga ah   SNMta  golaha wasiirada Soomaaliya iyo baarlamaanka , sodon sano waxay sugayeen hadalka Baaderiga Museveni ee kaligii taliyaha  Uganda ka taliya  ka oo yeeray ee ah in Soomaaliya ayna   dawladi ka jirin. Waa sababta SNMtu  Koonfurta Soomaaliya  ugu diidan thay  inay  nabad ku noolaadaan  si ay caalamka uga dhaadhicayaan in intaa ka badan ayna sugi karin Koonfurta Soomaaliya ee iyaga loo aqoonsado dawlad.

Hadalka Museveni  Soomaali intooda badani waa ka caroodee caroodeen, waana ka hadleen kana  ka jawaabeen , halka ay guud ahaan siyaasiyiinta beesha Isaaq soo dhoweeyeen hhadalka Museveni,

Ugu danbayntii Siyaasiyiinta Caraysan ee cuqdadaysani waa kuwa diidan Soomaalinimada

Hoos ka akhriso Joornaalada Dalka Ugandha oo Soo daabacay Qoraalada Soomaalida  ay ku soo qoreen Baraha Bulshda iyo sida ay uga xun yihiin af xumada kaligii taliyaha Museveni. Qoraalka waxa Museveni difaacaya waa Siyaasiyiinta xanaaqsanaa ee SNM

https://observer.ug/news/headlines/59771-we-d-rather-live-in-stateless-somalia-than-dictatorial-uganda-somalis-to-m7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*