26th December 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta Hargaysa iyo Siyaasiyiinta Muqdisho kuwee xanaaqsan oo Soomaali inteeda kale ka dudaya
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar), aya aflagaadeeyey Mucaaradka Soomaaliya ee doonaya inay wax hagaajiyaan oo
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa aflagaadeeyey siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Isaga oo ku sheegay inay xanaaqsan yiiin
Xildibaan Fowsiya Xaaji Aadan, oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, horayna u ahaan jirtay wasiirka arimaa dibadda Soomaaliya , kana soo jeeda beesha Isaaq ayaa iyada oo xanaaqsan maanta waxay warbaahinta ka sheegtay “Canaanta Madaxweyne Museveni inaan loo arkin colaad. Iyada oo difaacaysa madaxweyna Ugaanda oo Soomaaliya ku sheegay dal aan dawlad lahayn
Xuseen Carab Ciise , oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, kana soo jeeda
Beesha Isaaq horayna u soo noqday Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa isaguna maanta sidan yiri ” in Soomaaliya ay abaal weyn u heyso dowladda iyo Shacabka Uganda.
Siyaasiyiintan wakiilka uga ah SNMta golaha wasiirada Soomaaliya iyo baarlamaanka , sodon sano waxay sugayeen hadalka Baaderiga Museveni ee kaligii taliyaha Uganda ka taliya ka oo yeeray ee ah in Soomaaliya ayna dawladi ka jirin. Waa sababta SNMtu Koonfurta Soomaaliya ugu diidan thay inay nabad ku noolaadaan si ay caalamka uga dhaadhicayaan in intaa ka badan ayna sugi karin Koonfurta Soomaaliya ee iyaga loo aqoonsado dawlad.
Hadalka Museveni Soomaali intooda badani waa ka caroodee caroodeen, waana ka hadleen kana ka jawaabeen , halka ay guud ahaan siyaasiyiinta beesha Isaaq soo dhoweeyeen hhadalka Museveni,
Ugu danbayntii Siyaasiyiinta Caraysan ee cuqdadaysani waa kuwa diidan Soomaalinimada
Hoos ka akhriso Joornaalada Dalka Ugandha oo Soo daabacay Qoraalada Soomaalida ay ku soo qoreen Baraha Bulshda iyo sida ay uga xun yihiin af xumada kaligii taliyaha Museveni. Qoraalka waxa Museveni difaacaya waa Siyaasiyiinta xanaaqsanaa ee SNM