18th April 2024  admin  Category :

Imtixaanka lagu cabbiro garaadka dadka ayaa ah mid isugu jira dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin guud ahaan garaadka qofka, awooda xirfadeed iyo aqooneed ee qofka uu su’aalaha uga jawaabi karo, inuu qofka si xikmadeeysan wax u cabbiri karo, iyo qaabka qofka uu u xallin karo marka arrimo xal u baahan ay yimaadaan.

Waxaa dhici karta hadii lagu yiraahdo Soomaalida waxeey ka mid yihiin dadka ugu maskaxda hooseeya caalamka, inaad tiraahdo waxaas waxba kama jiraan, balse waa mid aan la beenayn karin in dadka Soomaalida maskaxdooda ay hooseeyso.

Waxaa la sameeyey baaritaano ku aadan dalalka iyo dadkooda qaabka maskaxdooda ay tahay; Daraasaddo ay sammeeyeen macalimiinta kalla ah Richard Lynn iyo Tatu Vanhanen, ayaa ka mid ah baaritaanada lagu oggaaday kalla duwanaanshaha maskaxeed ee dalalka, inakastoo dad badan ay u arkeeyn ineey yihiin daraasadahaas kuwo eex aysan ka marneen, laguna liidayo iyaga [Dalalka qaarkood], hadana waxaa jira waxyaabo caddeen kara bulshooyinka iyo maskaxooda, iyada oo laga eegayo dhinacyo badan.

Tusaale, baaritaanada la sameeyey ayaa Soomaalida waxa ay ku jirtaa kaalinta 38daad, waxaana maskaxda Soomaalida lagu qiyaasaa 68, meesha qofka Singabuuriyaanka ah uu yahay 108, waxaana kaalintaas kulla jira Soomaalida waddamadda Angoola, Burkiina Faaso, Jaad, Jabuuti, iyo Swaziland. Waddamadda kaalmaha hore kaga jira maskax fiyoobida ayaa waxaa kaalmaha hore oo dhan ku jira waddamo ka soo jeeda qaarada Aasiya iyo Yurubta.

Hadaba, Soomaalida ayaa dalkooda burburiyey, mana jiro caqli ay burburkii ay sammeeyeen ay dib dalkooda ugu dhisaan. Maanta Soomaalida waxaa caqli u ah wax loogu yeero ‘Beesha Caalamka’, iyadaana kalla hageeysa, maadaama Soomaalida aysan laheen maskax dabkan ay ku gubaneeyso ay kaga baxdo.

Sida Soomaalida aysan awood ugu laheen garashada sida dhibka heeysta ay ugu baxaan, waa mid si sahlan u iftiimineeysa garaadka Soomaalida inta uu gaarsiisan yahay.  Tusaale, Soomalida waxeey isku dishay qabiil qabiil, iyadoo is dishay oo aan heshiin ayeey dooneeysaa ineey wax dib u wada dhistaan. La isma cafin, cid kasta wixii ay geeysatay raali gellin kama bixin, dadku iskuma caafimaad qabaan, mid kasta midka kalle ayuu doonayaa inuu cag madax ka saaro, marka maskaxda noocaas ah ee garan weeyday in marka horre la heshiiyo miyeeysan tilmaameen in Soomaalidu ay maskaxdoodu hooseeyso? Sidee dad isku ciil qaba ay wax u wadda dhisan karaan?

Waxaad arkeeysaa dad qurbaha wax ku soo bartay, dalalka horrey u marayna soo arkay sida ay wax u maamushaan oo ay aheed ineey dalkooda isbeddel la taaban karo ka sameeyaan, balse ay beddelkeeda noqdeen kuwo dadka ineey dhacaan u yimid, iyagoo xaasaskooda iyo carruurtoodiina uga yimid dibedda. Lacagtii dalka uu ka dhacay ayuu guri uga iibinayaa carruurtiisa sida Ingiriiska ama Mareeykanka, waxaa dhici karta in uu ku dhinto qurbaha qofkaas dalka lacagta ka soo dhacay, carruurtiisana ay halkaa ku baaba’aan. Mala dhihi karaa dadka noocaas ah ayaa leh maskax ku fillan? Taa miyeeysan ka fiicneen in qofka dalkiisa in uu dhiso, carruurtiisana uu dhaxal wannaagsan uga tago?

Waxaad fiirisaa dhammaan baarlamaanada ka jira dalka ee heer federaal illaa iyo heer gobol, dhammaantood waxeey isaga mid yihiin mooshin qaadid, musuqmaasuq, iyo ineey meesha iska fadhiyaan oo dadka iyo dalka aysan waxba u qabanin. Dadka noocaas ah ee caloosha wax la galliyo oo kalliya ka fakiraya, mala dhihi karaa caqli ayaa u soo hoyday?

Waxaad eegtaa madaxweeynayaasha ka jira dalka heer federaal iyo illaa heer gobol, dhammaantood waa kuwo musuqmaasuq ku shaqeeysta, musuqmaasuq iyo laaluush xafiiska ku yimid, doonayana ineey laaluush iyo musuqmaasu xafiiska ku sii fadhiyaan. Dadka maskaxdooda ay intaa ku soo ururtay, mala dhihi karaa caqli ayeey leeyihiin?

Bal eeg shacabka Soomaaliyeed oo waxeey u sacaba tumayaan midka iyaga aasaya ee aan wax naf ah u heeyn oo inta uu xooggaaga ka urursado berrina ka tagaya. Hadaba, lama soo koobi karo waxa ay dhashay maskax yaraanta Soomaalida, waxaana la fillayaa in dhibka ay ku jiraan Soomaalida ay ku jiri doonaan welligood haddii aan illaahay u bixin wadamadda kalle ee maskaxda wannaagsan uu illaahay ku irsaaqay.

https://www.forbes.com/sites/duncanmadden/2019/01/11/ranked-the-25-smartest-countries-in-the-world/#440c8a93163f

https://www.newsweek.com/why-do-some-nations-have-lower-iq-scores-74797

https://www.businessinsider.com/the-10-smartest-countries-based-on-math-and-science-2015-5

https://new-iq-test.com/iq-by-country/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*