26th April 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta ay Mucaaradka Muqdisho iyo Farmaajo uga maarmeen siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag?

Afar sano ka hor, xaaladda Soomaaliya sida ay maanta tahay waa ka duwanayd, oo arinta ugu weynayd ee waqtiga doorashada ay madaxdii markaa joogtay sida Culusow iyo jawaari ay dagaalka ugu jireen waxay ahayd in Xildhibaano ka soo jeeda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayna Xildhibaano ku imnaya Waqooyiga Soomaaliya ayna aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ugu yeelan

Guddi ka kooban 7 Xubnood  oo ka soo wada jeeda beelaha  Dirta waqooyi, kuwaas oo kala ah Jaamac Maxamed Qaalib, Xuseen Ceelaabe Faahiye, Axmed Siciid Faarax,Maxamuud Axmed Ismaacil, Ciise Ducaale Buun iyo Ibraahim Axmed Caabi ayaa arintaa loo xilsaaray. Waana ku guulaysteen inay ka reebaan xildhibaanaddii ka imanayey waqooyi Soomaaliya, kuwo ka soo jeeda Sool iyo Sanaag.

Maanta, mar kale siyaasiyiintii Hawiye iyo Isaaq oo wada socda iyo madaxweynaha xilka haya ayaa u wada tartamaya hogaanka Soomaaliyeed, marka aad fiiriso labada dhinac ee isku haya hogaanka Soomaaliya waxaa ka maqan oo aadan ku arkayn siyaasiyiin ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, waxayna u muuqataa in labada dhinacba ayna u arkayn inaanay saamayn weyn lahayn.

Madaxada Mucaaradka oo u badan beelaha Hawiye, iyagu markii horeba raali kama ahayn in SOOL IYO SANAAG maamul loo sameeyo, halka ay iyagu ka doonayeen in gobol iyo nus iyo gobolka Banaadir maamulo loo sameeyo. Labadiiba waa ku guulaysteen.

Madaxweyne Farmaajo, afartii sano ee uu xilka hayey arinta maamul u samaynta labo mar ayuu soo hadal qaaday, marka hore dan isaga u gaar ah ayeey ahayd oo waa markii uu socday Mooshinka xilka looga qaadayey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedaddisu ahayd inuu Puntland fawdo ka bilaabo oo uu beelaha wada Dega ee walaalaha ah madaxa isugu dhufto.

Markii labaad waa mar ay gabadh Soomaaliyeed waydiiso Su’aal ku saabsan maamul u samaynta Sool iyo Sanaag. Markan isaga oo ilko cadaynaya, una muuqda inuu dad raali gelinayo ayuu yidhi kalmad ka kooban dhowr iyo tobon xaraf “KAMA JAWAABI KARO” su’aashii la waydiiyey.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta Farmaajo iyo Mucaaradkiisu ay uga maarmeen Bulshada Sool iyo Sanaag?

Jawaabtu waa cadahay, waana mid qof walba ogsoonyahay. Farmaajo iyo mucaaradku ma doonayaan inay ka caraysiiyaan Hargaysa iyo Garowe.

Ugu danbayntii Bulshada Sool iyo Sanaag, haddii ayna sixin Puntland maanta , “hadda” oo ayna u arkin inay wax ka dhisteen, iskana indho tiraan in koox yari Jeebka ku qaadato oo hadba meel la aadaan, iyaguna afar sano ka dib waxay indhaha ku kala qaadi doonaan iyaga oo SNM uga wakiil tahay doorashooyinka Soomaaliya

One thought on “Sool iyo Sanaag iyo Doorashada Soomaaliya

  1. Illahow+gun+hanaga+dhigin

    Haddii aynu waxba waxba ku lahayn dirta waqooyi oo layiri puntland udoonta qaybtenii sidee dhulbahante kusiiyey sool somaliland maxayse kubadesheen?

    Reply

Leave a Reply to Illahow+gun+hanaga+dhigin Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*