27th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland iyo 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante yeey ku metelaan Maamulka Puntland.

Labada Muuqaal hoose waxa inta badan ku dhan degaanada iyo degmooyinka hoos yimaada gobolka Sool

Degaan kasta oo ka mid ah gobolka Sool kama socdaAN hal mashruuc oo maamulka Puntland gacanta ku hayaan. Degaanada qaarkood ma laha Rugo caafimaad iyo waxbarasho. Jidadku waa kuwo iskaa wax qabso lagu dhisayo oo la istcmaalayo Sabarad iyo Majarafad.

Marka muuqaalka hoose aad daawto ayaa waxa is waydiinaysaa xildhibaanada Dhulbahante iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ma waxay Garowe u joogaan inay doortaan madaxweyne Majeerteen ama mooshin ka keenaan Gudoomiyaha baarlamaanka iyo in jaranjaro looga dhigto si beesha majeerteen u helaan labada xil ee ugu sareeya Soomaaliya,sida maanta ka socota Garow oo xildhibanada Sool iyo Sanaag u sacab tumayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*