17th November 2025  admin  Category :

Soo dhawaynta Isimada dhaqanka ay Hogaaminayaan Suldaan siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey wafdi isimmo ah oo ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Soo dhoweynta wafdiga ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Xukuumadda, maamulka degmada Boosaaso, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, oo ka hadlay madasha soo dhoweynta, ayaa sheegay in ay si diirran ugu soo dhoweynayaan wafdiga isimada magaalada Boosaaso, isagoo xusay in isimadu yihiin tiir muhiim u ah nabadda, midnimada, iyo wadajirka shacabka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*