16th November 2025  admin  Category :

Caasimadda, madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo Khaatumo wada qaateen

Kooxda ree Maakhir ee Laaascaanood u joogta sida ay sheegeen inay maamul la samaysanayaan reer Khaatumo, ayaa markii siyaasiyiinta Dhulbahante arkeen inanay cidna metelin waxay isku darsadeen Caasimaddii, madaxweynihii iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimaddii maamulka Waqooyi bari lagama gor gortamin oo lagama wada hadlin ee waxa loo magacaabay Laascaanood.

Madaxweynaha maamulka waqooyi bari ee soo socda wuxuu noqon doonaa Firdhiye, oo xildhibaanddii dooran lahaa xalay ayaa loo soo dhamaystiray. Halka madaxweyne ku xigeenku uu noqon doon gudoomiihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid.

1- Beesha Dhulbahante waxay heshay 43 Xildhibaan.

2- Beesha Warsangali waxay heshay 32 Xildhibaan.

3- Beesha Fiqi Shini waxay heshay 3 Xildhibaan.

4- Beesha Madhibaan waxay heshay 1 Xildhibaan.

5- Beesha Kaskiqabe waxay heshay 1 Xildhibaan.

6- Beesha Tiinle waxay heshay 1 Xildhibaan.

7- Beesha Siwaaqroon waxay heshay 1 Xildhibaan.

8- Beesha Geri Koombe waxay heshay 1 Xildhibaan.

Labada arimood ee khiyaanadu ku jirto ee kooxda Khaatumo ee siyaasiyiinta Hawiye la shaqaystaa ay doonayaan ayaa waxay tahay inay yiraahdaan Fiqi shini waa beel aan Dhulbahante ahayn, sidaas awgeedna waxay u sharaxan yihiin gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka waqooyi Bari.

Arinta labaad waa wasiir Jamaal oo ayna dooranayn reer Khaatumo inay yiraahdaan Warsangeli waa isa soo sharaxay waana laga guulaystay.

Ugu danbayntii waxaan uga digaynaa in kooxda reer Maakhir ee la soo khalday ay khiyaanada ay ku wadaan Firdhiye, Tima Cade, Bidhaan iyo tan Garaad Jaamac ee kooramka lagu buuxsanayo ayna sii fiirsan oo ay degaanadoodii ku laabtaan cafisna ay waydiistaan dadkii ay markii hore ka dhego adeegeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*