29th March 2024  admin  Category :

Haddii wasiirkii Isaaq uu sheeganayo  inuu ka soo jeedo  Warsangeli  soo lama oran karo websityada magaca magaalooyinka Maakhir wataana iyagana Isaaq ayaa qora.

Ahmed Ali Shire,  Waa nin kasoo jeeda Beesha Isaaq , Habar Yoonis  Urursuge, Muuse Ismail, waana wasiirul dawlihii hore ee Caafimaadka dawladda SNM xilligii Riyaale Horjoogaha ka ahaa.

Maanta Axmed Cali Shire, waxa loo tababaray inuu sheegto beesha Warsangeli , si uu u marin habaabiyo Bulshada Soomaaliyeed iyo reer Maakhir. Degaan ahaan wuxuu sheegtay inuu ka soo jeedo Badhan si wiilka Dhahar iyo Xingalool joogaa u amino inuu yahay reer Makhir.

Hadaba umadda reer Maakhir waxaan uga digaynaa websityada magacyada magaalooyinka reer Maakhir wata oo SNM buunbuuniyaa in iyaguna  yihiin kuwo ay qoraan Axmed Cali Shire iyo kuwa la mid ah

Niman dadkii dhintay qarniyo ka hor  xabaalaha ka soo faganaya si ay uga beenn sheegaan miyaa u daahaya inay beel kale sheegtaan. Weriyuhu  waa ogyahay beesha uu ka soo jeedo Axmed Cali Shire. Laakiinse dhaqan ayeey u noqotay inay wax kasta ka been sheegaan xitaa dhalashadooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*