28th March 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya oo qirtay hadalkii Donald Trump ee ahaa in Soomaaliya ayna dawlad shaqaysaa ayna ka jirin

Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maaxmed Xasan oo fadhiga golaha shacabka ka hor akhriyey xeerka Shirkadaha aan dowliga ahayn, ayaa sheegay in dalka ay ka howlgalaan hey’ado shisheeye oo aan ogoleyn in lala xisaabtamo.

Wasiirka ayaa yiri, “Waxyaabo fara badan ayaa dalka soo gala hadey noqon laheyd deeqo ama mashaariic hey’adahaas caalamiga ah ayaana gacanta ku haya, waxaad arkeysaa xildhibaan ama wasiir doonaya si deegaankiisii uu mashaariic uga fuliyo u maro NGO oo hey’adaha dowladda aan u soo marin.”

“Mararka qaar waxay dhibaato weyn ka dhalataa inay deegankooda u daba fariistaan hey’adahaas, meeshii laga rebay in wasaaradda shaqadaas iska leh ay u yeerto oo kula xisaabtanto hey’addii shaqadaas qabatay” ayuu yiri.

Wasiir Jamaal oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa golaha in aan ka hor cadeeyo wadankan waxaa jooga 132 hey’adood oo caalami ah, waa inta aan ognahay, intooda badana waxa ay qabtaan shaqooyinkii looga baahnaa hey’adaha dowladda, marka waxaan u baahanahay sharci kala cadeynaya meesha ay ka bilaabaneyso shaqada hey’adda aan dowliga aheyn iyo meesha ay ku egtahay iyo sidii ay hey’adaha dowladda ay ugu wareeji lahaayeen shaqooyinka ay qabtaan.”

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo is daba marsan, sidaas darteed xildhibaanada golaha shacabka looga baahanyahay  inay sharcigaas ay soo akhriyaan, oo ay ka fiiriyaan dhinac walba sida, xaquuqul insaanka, dastuurka, xuquuqda gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed, iyo xuquuqda ay leeyihiin hey’adaha caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*