26th July 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo u jawaabay hadal qabyaaladaysan oo  shalay ka soo yeeray Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed CumarCartan

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon, ayaa markii jabhadkan SNM qoraalkan soo dhigay ugu jawaabay sidan ”

Xildhibaan Carte intee Somaliland u taqaan , hadii aad Hargeysa iyo Berbera iyo Burco kuu tahay Somaliland oo ahayd inta deeqaha iyo horumarka la siiyo waa la qaadan karaa hadalkaagan .

Laakiin Somaliland dawlad ahayd oo 1960 Xamar geysey ma jirin Calankaas buluuga ah baa la wada qaatay , iminkana beesha dhexe ayaa rabta iney Somalia ka go’do inta kalena khasab ku kaxaysato deeqaha iyo horumarkana isku koobaan taasina ma suurta geleyso oo cidna lama jujuubi karo.
Deeqaha sanduuqa Somaliland ku dhaca qoondada gobollada kale laga siiyey waa sidan
Awdal 5%
Sanaag 5%
Sool 5%

Dulmigaas ayaa taageeraysaa adigoo raba inaad dulmi baa la geystey ka hadasho .

waxa muuqata in Siyaasiyiinta Jeegaanta ee Xamar joogta ay taageerayaan in Somalia kala go’do .
Waase idin aragtaa Soomaalida kale .

Damaca Jeegaanta meelkasta ha joogtee ma suurta geleyso ha ku riyoonina .

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*