26th April 2024  admin  Category :

Shalay HAG  waxay haysteen siyaasigaii reer Sool,  maantana  sarkaalkii isla Beeshaas ka soo jeeda  ayeey ku dhegan yihiin

Maalmo ka hor magaalada Muqdisho waxa ka socday olole ka dhan ah nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeday  beesha Dhulbahante oo xil hoose looga magcaabay Villa Soomaliya ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Siyaad Maxamuud Shire, waa aqoonyahan dhalinyaro ah oo ka soo jeeda magaalada Jiidali ee gobolka Sanaag, dhowaana xil looga magcaabay xafiiska madaxweynaha Soomaliya. 

Siyaad isaga oo aan xafiiskii loo magcaabay fariisan ayaa waxa lagu bilaabay qabyaalad, been abuur iyo dacaayad raqiis ah.

Siyaasiyiinta Muqdisho ayaa iyaga ka been sheegaya xaqiiqda, waxay warbaahinta la soo fariisteen in Siyaad Maxamuud Shire  uu Muqdisho   ku soo hogaamiyey ciidamo Itoobiyaan ah sanadkii 2006.

Cadaadiskii la saaray , been abuurkii laga sameeyey iyo isaga oo aan helin ama waayey  dad Soomaalinmo ugu difaaca  ama qabiil Daarood ama Harti ku difaaca,  ayaa waxay keentay in Siyaad isaga oo kursigii loo magcaabay aan  fariisan in uu is casilo oo Muqdisho uga cararo kooxda xaaraanta iyo afduubka ku haysta Qarankii Soomaaliyeed oo saldhigu ka samaystay Muqdisho oo qof aan iyaga ahayna doonaya inuu Caasimadda Soomaaliya u soo shaqo tagin.

Maanta Maleeshiyaadkii ka soo wada jeeday beesha Hawiye ee   isbaarada dhigtay km4 ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  oo ahayd arin la soo abaabulay  oo laga soo shaqeeyey ayaa iyaguna marmarsiiyo waxay ka dhigteen  in taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed uu mushahaarkii geeyey degaano aan ka mid ahayn Muqdisho “ oo meelo kale ah. Meelaha kale oo ay  sheegeen maleeshiyaadka beelaha Hawiye waa degaano Soomaaliyeed oo ciidamada joogaa ay hoos yimaadaan taliyaha; 

Taliyaha Ciidanka Soomaaliyeed  ee maanta kooxda Muqdisho sidii dhaqanka u ahayd ay qabyaaladda uga been sheegayaan oo dacalka haystaan , ayaa ciidanka dalka Soomaaliyeed ka mid ahaa in ka badan 50 Sano. Wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sool.

Ugu danbayntii kooxdii maalmo ka hor warbaahinta ka sheegayey in Siyaad Shirr uu a xabashi Muqdisho ku soo hogaamiyey oo uu Kaarayashii  Itoobiyaanka uu ku burburiyey suuqa Bakaaraha , waa kuwa maanta u doodaya in gudoomiyihii hore ee argagixisada Soomaaliya Daahir Aweys oo dilay kumaakun Soomaali ah in  xabsiga laga sii daayo. Sidoo kale maanta kuwa Muqdisho maleeshiyaadka beelaha Hawiye soo abaabulaya oo sida qabyaaladaysan  uga  been sheegaya Saraakiisha Soomaaliyeed waa kuwii xeryaha u samaystay Barkacayaasha Soomaaliyeed si ay lacag uga sameeyaan. Waa kuwii afartii sano oo ugu danbaysay la shaqaysanayey aabaha musuqmaasaqa Soomaaliyeed Xasan Culusoow. Waa kuwii Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasaq badan caalamka intiisa kale.

Hoos ka akhriso websiytada Beelaha Hawiye iyo huuhaadooda

http://www.jowhar.com/2017/03/12/gadoodkii-ciidamada-milateriga-oo-sabab-u-ahaa-mushraadkooda-oo-meelo-kale-loo-wareejiyay/

 

http://www.caasimada.net/xog-cidda-qaadatay-mushaarka-militariga-oo-la-ogaaday-iyo-ceeb-ka-taagan-villa-soomaaliya/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*