28th March 2024  admin  Category :

Maleeshiyaad SNM ah oo Sool ku soo duulay iyo Karaash oo weli taliyihii la bedelay la xanaaqsan

Maxaa isku soo aadiyey Dulaanka SNM iyo dhaq dhaqaaqa Axmed Karaash oo hadda Bulshada reer Puntland ku kala qaybsameen,

Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo Saaxiibkiis hogaamiyaha Itoobiya Abby Axmed. ayaa sida la sheegay heshiis ku ah in marka hore la xaliyo dhulkii laysku oran jiray British Somaliland, si taas u suurto gashona waa in Maleeshiyaadka SNM gacanta ku wada dhigaan gobolada Sool iyo SANAAG

Somaliland: Ethiopia's Rookie PM May Yet Ignite War in Peaceful ...

Maanta maleeshiyadkii Isaaq, dhaqdhaqaaqii ugu weynaa ayeey ka wadaan gobolka Sool, halka madaxweyne ku xigeenkii Puntland Axmed Karaash, uu isga ka bilaabay Garowe khilaaf shaki ku jiro oo ah in Farmaajo ka dhex guuxayo.

Sida ilo aad lagu kalsoon yahay laga soo xigtay ayaa sheegaya in Farmaajo, Abby iyo Biixi ay isku afgarteen a in Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli la nacsiiyo beesha Majeerteen, Lagana shaqeeyo. Lama caday, in Axmed Karaash ka mid ayahay kooxda loo isticmaalayo in laysku dhufto beelaha Harti.

Dhowaan Farmajo iyo Biixi waxay ku kulmeen qol ku yaala xafiiska Raisulwasaaraha Itoobiya, lama oga waxay ku wada hadleen, Sida Qaramada midoobey hadda sheegatyan labada Hogaamiye waa wada xiriiraan , waana is jecel yihiin

One thought on “SNM ” Sool ayaan qabsanaynaa”

  1. Oday

    Farmaaho iyo hogaamiyaha beelaha dirta woqooyi wixii ay ka wada hadleen lama garan karo, lkn waxan farmaajo iyo aby ahmed ka maqalnay inay ahayd booqasho farmaajo hargeysa ku aado, in layska qiyaaso waa laga fiican yahay. Dacwada ay had iyo jeer ku dacwoodaan reer Sool, oo ah in farmaajo gonolka ku darayo snm waa wax lagu qoslo waayo gobolka hada yaa haysta oo maamula. Mida kale marka farmaajo lagu eedeynayo Sool buu isaaq siinayaa, xagee lagu ilaaway calooshooda u shaqeystayaasha kumaankunka ah oo beesha sool ka soo jeeda oo caalamka iyo soomaalidaba duhur kasta u sheega inay soomaalidiid yihiin oo snm la shaqeystaan.
    Dadka Sool deggan iyagaa caan ku ah hunguri iyo inay u adeegaan koox kale oo aan dantooda aqoon

    Reply

Leave a Reply to Oday Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*