26th July 2024  admin  Category :

Madaxda Nabad iyo Nolol oo is haya ayaa si ku meel gaar ah Gudoomiyaha Xisbiga loogu magcaabay Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya

Xisbi siyaasadeed ay leeyihiin xubnaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran

Xisbigan ayaa la filayaa inuu qaato magaca Nabad iyo Nolol, oo ah kan ay ku caan baxday xukuumadda markii uu talada qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay.

Xukuumadda ayaa gudbisay shuruudihii looga baahnaa ee diiwaan gelinta Xisbiga, waxaana lagu wadaa in guddiga doorashooyinka uu maalmaha soo socda guddoonsiin doona shahaadada KMG ah.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddoomiyenimada Mahdi Guuleed ay ugu wacan tahay ayada oo aysan kala caddeyn qorshaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ee xisbigan iyo doorashada soo socota.

Ilo-wareedyo ku dhow Kheyre ayaa si kastaba sheegay in xisbiga uu wato madaxweynaha, xilka guddoomiyenimadana uu usii hayn doono Mahdi, inta ay kasoo dhowaanayaan doorashooyinka. Waxay diideen inay macneeyaan hadalkaas iyo wax faah-faahin oo intaas dheer.

Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*