26th July 2024  admin  Category :

Yaa doonaya inay  Hadaaftimo Hadyad u siiyaan beesha Isaaq

Haddii aad maqasho degaanada beesha Warsangeli ka  degaan Soomaaliya ayaa  Wasiir SNM ah lagu soo dhoweeyey waa Hadaaftimo, hadaad maqasho musharax Isaaq ah ayaa yimid degaanada ay degto Beesha Warsangeli degaankaasi waa Hadaaftimo, haddii aad aragato website lagu amaanayo Isaaq oo magac Maakhir wataa , magaca uu wataa waa  Hadaaftimo. hadaad  aragto Isimo Warsangeli ah oo safaf  ugu jira wiil yar oo Isaaq ah  oo darajo u sheeganaya, isimadaasi waxay ku sugan yihiin  Hadaaftimo.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay Bulshada Hadaaftimo ku nooli ma ka wada siman yihiin jacaylka SNM iyo in Hadaaftimo loo gacan geliyo Isaaq

Jawaabtu waa Maya. Waxaana kuu cadaynaysa arintan, maalmaha soo socda sidii caaddadu ahayd waxa ku soo wajahan magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag  wafdi ka imanaya Hargaysa oo sida la sheegay xariga ka jari doona saldhig booliis oo ku kacay $3500, oo ay maal gelisay Hargaysa

Wafdigan Hargaysa ka imanaya oo uu hogaaminayo Ciise Xawar ayaa fariin ay soo direen waxay ku sheegeen ” inay Hadaaftimo imanayayaan dhowaan oo halkaa saldhig ka furayaan ciddi isku dayda inay ka hor timaadona  inay  xabbad afka ka  gelin doonaan , haddii kale inta goori goor tahay waa in  ay magaalada isaga guuraan inta ayna soo gaarin madaxdu.

Arintan ayaa waxay kuu cadaynaysaa in magaalada Hadaaftimo ay ku nool yihiin dad dulman oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, oo aan hubaysnayn oo ka soo hor jeeda maamulka SNM, hase ahaatee aan kaalmo ciidan ka helin maamulka gobolka Sanaag, Puntland iyo guud ahaan shacabka reer Maakhir. Halka dhanka  kale ay jiraan wiilaal kibray oo taageero ciidan iyo lacag ka  hela maamulka SNM , kalsoonina ka haysta Isimada degaanka qaarkood. Wiilashan kibray ayaa aaminsan in bulshada reer Maakhir kuwooda aan hubaysnayn ee ka soo horjeeda  Somaliland , gaar ahaan kuwa reer Hadaaftimo inay xoog ku muquunin karaan. Waana dhacday marar badan.

Maanta umadda Soomaaliyeed dhamaantood  waxay inadhahoodu ku soo jeedaan gobolada Sanaag iyo Sool, waa nasiib daro  in Wiilal SNM ah iyo marabbidooda oo wata dhowr Tikniko ah inay sawir khaldan ka bixiyaan bulshada reer Maakhir iyo inaanay ahayn dad xor ah oo siddii doono laga yeeli karo

Ugu danbayntii wixii ka dhaca Hadaaftimo maalmaha soo socda  waxa ma’suuliyadeeda qaadi doona maamulka SNM iyo wiilasha hor boodaya ee ka soo jeeda gobolka Sanaag. Bulshada reer Maakhir inteeda kale waxa laga sugayaa sidii ay uga hortagi lahaayeen Bahdilka joogtada ah ee afarta wiil ee u shaqeeya SNM oo  taageerada  ka ahaysta Isimada qaarkood, ama ay wada shaqaystaan

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*