26th March 2024  admin  Category :

Waxaan aheen dawlad jirtay;

Waxaan jirnay IGAD oo aan jirin;

Waxaan la soo noqonay dawladdeenii 1991dii;

Waxaan nahay dawlad wax kasta ay u dhan yihiin;

Waxaa Aftidii dadka laga qaaday 97 boqolkii ay u codeeyeen goosashada Soomaaliland;

Soomaaliya waa maamulo yar yar iyo waxyaabo kalle ayaa ah waxyaabaha ay isku madadaaliyaan beesha SNMta ku abtirsataa. Waxaa dhab ah caalamka uu arkay beesha SNMta dhagartooda iyo qiyaanadooda taas oo laashay in la aqoonsado.

Beesha Isaaq waxeey sheegeen in Soomaaliya xasuuq uu uggaga yimid sidaa darteedna aysan aamineen, laakiin waxaa caalamka ka yaabeen markii ay arkeen beeshii xasuuqa ka cabaneeysay oo habeen iyo maalin xasuuq ka wada dhul aysan laheen sida Sool, Sanaag, iyo Awdal.

IGAD shirkeeda oo ah midka ay beesha SNMta ka xun yihiin dhicitaankiisa ayaa sabab u ah ineeysan dooneen ineey arkaan dawladda Soomaaliya oo shaqeeneeysa iyo iyada oo shirar marti galineeysa.  Beeshan ayaa ay dhibeeysaa ineey arkaan Muqdisho oo nabad ah, balse ay ka jeclaan lahaayeen Muqdisho oo gubaneeysa si caalamka ay ugu sheegeen in Hargeeysa ay nabad tahay ictiraaf in la siiyaana ay mudan tahay taas oo ah waxa waqtig keenay in ay ka hadlaan shirka IGAD oo aan iyaga waxba ka quseen, balse ah mid aan farxad gellin dhicitaankiisa.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*