1st February 2023  admin  Category :

Maxaa diiday inay Ciidamada Badda Puntland ay saldhigyo ka samaystaan buuraha Calmado?

Maalmo ka hor waxa degaamo ka mid ah Buuraha calmadow laga afduubtay shaqaale kasoo jeeda Beesha degta buurha Calmadow oo u shaqaynayey shirkado Dahabka ka gurta buurtaas oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda Hargaysa iyo Baydhabo, oo ku qaraabta magaca ALSHABAAB.

Markii afduubkani dhacay oo degaanka Xidid iyo Milxo ee hoos taga Laasqoray ay gacanta ku dhigeen shirkadaha Hargaysa iyo Baydhabo laga leyahay ee bililiqaysta Dahabka, waxa markiiba degaamadaas soo gaaray ciidanka Badda Puntland. Isla markiiba shirkadihii dahabku waxay u carareen qaybo kale ee ka mid ah Buuraha Calmadow.

Ciidankii Badda Puntland kuma sugnaan ama saldhig kama samaysan degaanaddii ay shirkadaha dahabka ka saareen ee waxay dib ugu laabtaaeen duleedka magaalada Boosaaso. Iyaga oo sii maray deegaamada Durduri, Ceelaayo iyo Qaw.

Intaan afduubkani dhicin, magaalo ama degaan kasta oo hoos taga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag oo ayna beesha Isaaq degin, maamulka Hargaysa waxay ka bilaabeen amni daro, dhul dadkii hore u deganaa lagu qabsado, isku day bara kicin iyo ciidan laga keenay Lughaya iyo Gabiileey oo la leeyahay beelo dhulka isku haysta ayuu kala dhex gelayaa , si hoosaasi loogu sameeyo bulshaddii horay u deganayd, oo marka danbena lagu yiraahdo xaasaskii iyo caruurii ayaa ciidanka u yimid, Caruurtii ayaa dugsi u baahatay. Sidaasna beesha Isaaq u dagaamaystaan sida ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Sool.

Ujeedada arinta laga leeyahay iyo tan Calmadow waa isku xiran yihin, waxaan looga hortagi karaa Ciidamo Puntland ah oo saldhigyo ka samaysta gobolka Sanaag.

Madaxweyne Deni, intuu hogaanka Puntland qabtay wuxuu ku guulaystay inuu gobol kasta uu ka sameeyo xero ciidanka loogu tababro, oo ay hadda ka baxeen ciidamo badan . Ciidanka la tababray oo isku dhaf ah, kana soo jeeda Puntland oo dhan , waxa hubaal ah haddii ay saldhigyo ka samaystaan gobolka Sanaag in amnigu soo noqon doono. Shirkadaha dahabka gurta ee Alshabaabka ku qaraabta oo Baydhabo iyo Hargaysa laga leeyahayna ay bedeli doonaan shirkado reer Puntland ah oo wax ku soo kordhiya horumarka hadda Puntland ka socda

Ugu danbayntii degaan kasta oo ay Isaaq iyo Warsangeli deris ka yihiin waxa ka jira maanta amni xumo iyo colaad, halka degaan kasta oo beesha Majeerteen iyo Warsangeli ay deris ka yihiin ay maanta ka jiraan amni buuxa, is dhex gal bulsho iyo horumar.

Sawirka hoose Waa Ceel daahir, waa degaanada Majeerteen iyo Warsangeli ay deriska ka yihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*