28th March 2024  admin  Category :

Lacagta ugu badan wuxuu ka helaa Badhan ,Boosaaso, Garowe iyo Muqdisho, wuxuuna ku mal geliyaa Hargaysa oo taageerta alshabaabka Buuraha Calmadow

  Maamulaha Shirkadda Daa’uus Siciid Cabdi Ismaaciil oo loo garan og yahay Cabdiraxmaan Nuur Cali (Dalab) ayaa ka sheegay Magaalada Hargaysa, inay iyagu ka Shirkad ahaan Dawladdooda Somaliland siinayaan Cashuurtii Qaadka kasoo geli jirtey haddii ay dawladdu joojiso soo gelitaankiisa.

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Da’uus ay guud ahaan Soomaaliya keento Xafaayada ‘NUNA’ iyo Caanaha ‘NUNALAC’, dhaqaalaha ugu badan ee soo galana ay ka samayso Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, Garoowe, Badhan iyo Gaalkacayo inta la og yahay. Ma jiro welina lagama hayo qorshe cad oo lagaga hortegayo Xanuunka Saf-marka ah ee COVID19 kaas oo ay Shirkadu ugu tala gashay magaalooyinka kale ee kor ku xusan marka laga reebo Hargaysa!

Dhinaca kale Maamulaha Shirkadda Da’uus, Siciid Cabdi Ismaaciil ee doonaya inuu Qaadka ka joojiyo Somaliland taa bedelkeedana jeebkiisa ka bixiyo Cashuurtii dawladda SL kasoo geli jirtey, wuxuu deegaan ahaan kasoo jeedaa gobolka Sanaag gaar ahaan Deg Badhan. iyadoo aynu ognahay in Shalay gebi ahaanba albaabada loo laabay goobihii Caafimaadka Degmada Badhan ka dib markii ay waayeen Shaqaalihii Caafimaadku agabkii loo xidhanayey ka hortaga iyo daweynta xannuunka COVID19.

Cusbitaalka guud ee Degmada Badhan ee loo xidhay duruufta dhaqaale soo food saartay waxaa si toos ah u hoos taga degaamo badan oo aan haysan goobo, adeeg iyo agab Caafimaad oo ku filan sida degmooyinka Hadaaftimo, Yubbe, Ceelbuh, Rad, Midigale, Gumar iyo dhammaan deegaamada miyiga ee ku xeeran!

No photo description available.

No photo description available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*