26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo Doorasho Soomaliyeed  ayuu ku guulaystay ee dagaal uu Itoobiya la galay kuma guulaysan. Waa sida qaar ka mid ah Soomaalidu ay maanta leeyihiin Farmaajo Itoobiya ayuu ka guulaystay

Siyasiyiintii Waqtigii Allah ha u naxariistee  Cabdulaahi Yuusuf uu  madaxweynaha ka  ahaa Soomaaliya  u hayaamay  Asmara iyo kuwo ka mid ah madaxdii  samaysay   Maxaakiimtii iyo in badan oo ka soo horjeeday in maamul Jubbaland la yiraahdo Soomaaliya laga hirgeliyo,  ayaa maanta guushii iyo isbedelkii Umadda Soomaaliyeed ay ku doorteen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo  ee ahaa la dagaalanka musuqmaasaqa, amniga oo la soo celiyo, ciribtirka argagixisada . shaqo abuurista dhalaanka Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu hayso oo  shaqo loo abuuro ,  horomarinta arimaha bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada, waxay ka dhigayaan in Farmaajo loo doortay nacaybka wadamada aynu   deriska  nahay si ay u abuuraan xaalad waqti ka lumisa madaxweynaha cusub oo ka hor istaagta qorshihiisa  Siyaasadeed ee dhabta ah ee afarta sano ee socota umadda Soomaaliyeed u wakiilatay in uu wax ka qabto.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya maanta waxa qura oo u baahan yahay waa xasilooni siyaasadeed, wada shaqayn  iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, si loo helo Qaran Soomaaliyeed oo dhamaystiran, kana  shaqaynaya guud ahaan dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Cusub uma baahna cadow dibadeed iyo mid  gudaha oo loo abuuro si loo helo  fursado  siyaasadeed oo lagu fushado dano siyaasadeed . Madaxweynaah Soomaaliyeed waxa u baahan yahay  waa wada shaqaynta wadamada aynu deriska nahay oo in badan  oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed marti geliyey markii ay guryahooda ka qaxiyeen kuwa maanta raba in Madaxweynaha cusub iyo wadamada derisku ay isku dhacaan

Ugu danbayntii Isbebedelka deg dega ah ee ay sameeyaan Soomaalida qaarkeed waa mid caadi ah. Tusaalaha ugu fiican waa dadkii deriska ku ahaa  magaalada Muqdisho qarniyada badan,  oo hal maalin   qaarkood ay isbedeleen oo intay  Tooreeyo soo qaateen ku dileen deriskooda. Tusaalaha kale waa dagaal oogayaal dadka Soomaaliyeed layn jiray oo hal maalin isku bedelay, oo sheegtay inay yihiin  Sheekh hebel oo xumuma maxkamada  Laanta gaaban iyo Sheekh hebel oo xukuma maxkamadda  laanta dheer. Maantana kuwii shalay  diidanaa dastuurka Soomaaliya ee federaalka , maamulka Jubbaland in la sameeyo , una  ololayn jiray  mooshinaddi sharci daada ahaa ee lagu riday Raisawasaare Saacid iyo Cabdiweli ayaa iyaguna leh waa is bedelnay oo Itoobiya ayaan Soomaaliya ka soo xoraynay. 

Sawirka kore waa

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*