26th July 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Digil iyo Mirifle ay ula doonayaan in Daarood qabto Kursiga baarlamaanka?

Boqolka Xildhibaan ee aan kala harin, oo  codkoodu halka  meel wada maro ama meel   u wada guuro ee beesha Digil iyo Mirifle iyo Baarqabkooda Shariif Xasan, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Daarood u balan qaaday in codkooda ay  wada siin doonaan haddi ay u tartamaan Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya?

Siyaasiyiinta Beesha Raxanweyn ee aan codkoodu  kala harin iyo Baarqabkooda Shariif Xasan,  ayaa Doorashooyinkii hore ee Soomaaliya ka soo  qabsoontay   ee loogu tartamayey qofka qabanaya  madaxweynaha Soomaaliya,  aan marna codkooda siin siyaasiyiintii ka soo jeeday  Beesha Daarood ee tartamaysay . Doorasho walbana waxay u codaynayeen siyaasiga Hawiye. Waxay codkooda oo  aan kala harin ay har cad  ku reebeen Maslax Siyaad Bare  oo Sheekh Shariif la tartamayey iyo Cabdiweli Gaas oo la tartamayey Xasan Culusoow

Xildhibaanada Beesha Digil iyo Mirifle ee aan kala harin ee Baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa hor boodayey oo ku dhiiranyey inay baarlamaanka Soomaaliya   hor keenaan  dhowr mooshin oo laga keenay Ra’isawasaarayaal  Soomaaliyeed oo  ka soo jeeday  Beesha Daarood. Waxaana ugu danbeeyey Ra’isawasaare Cabdiweli Sheekh iyo RW Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid

Xildhibaanaddii Raxanweyn iyo Baarqabkoodii, markii    intaas oo fal ay  soo sameeyeen,   oo aan mid ka mid ah aan  lagula xisaabtamin ama aan  loo sheegin in la ogyahay dhaqankooda cuqdadda ku salaysan , ayaa maanta waxay  la soo shir tageen inay yiraahdaan Siyaasi ka soo jeeda beesha Daarood ma qaban karo xilalaka ugu sareeya Soomaaliya. Madaxweyne iyo Ra’isawasaare toona.

img_1204

Maaha Dimoqraadiyad iyo Doorasho toona , Arinta Shariif Sakiin wada isaga oo kaashanaya 100 Xildhibaan ee uu ku helay 4.5 xaaaraanta ah .Arintaas oo ah Si Daarood labada kursi ee Soomaaliya ugu sareeya u qaban waa in aan inagu hadaynu nahay  (Raxanweyn) aan keensanaa nin Daarood ah oo isu soo sharaxa Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya . Si marka Daarood xilkaa Gudoonka u helo ay u waayaan Madaxweyne iyo Raisawaasaare

Ugu danbayntii intaas arimood oo aan kor ku soo sheegnay waxa dheer in siyaasiyiinta ka soo jeeda beeshaa Raxanweyn  sida Xaabsade, Nuunoow iyo Jawaari inta ay warbaahinta soo hor  istaageen marar badan , iyaga oo been sheegaya oo beentooda ku celcelinaya ay    yiraahdeedn ” Dadkayaga ayaa lagu xasuuqaa ama  lagu gumaadaa Puntland. Hadaba nimankii noocaas ahaa, oo Soomaalinimo cuqdadda  ka doortay,  ayaa maanta doonaya in Soomaaliya madaxweyne ka noqdaan. Qof kasta oo caqli leh waa garan karaa waxay xilkaas u doonayaan Nuunoow, Sakiin iyo Xaabsade

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*