26th July 2024  admin  Category :

R.W Cumar “Haddii aan ku guuleysto Xilka Madaxweynaha waxaan xoogga saari doonaa Midnimada Ummadda”.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maanta kulan qado sharafeed ah ugu sameeyey guriga Midnimo oo ku dhex yaala xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu muhiimadda koowaad siin doono haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya midnimada iyo isku soo dhaweynta Ummadda Soomaaliyeed.

Murashax Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay inta la helayo midnimo dhamaystiran iyo is cafis guud oo bulshada Soomaaliyeed dhex mara in wali wax badan ay ka dhiman yihiin wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuna ka codsaday Xildhibanada ka soo jeeda deegaanada Waqooyi in codkooda ay siiyaan si uu hadafkaasi u gaaro.

“Waxaan qabaa in shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ay dhibaatooyin badan kala gaareen haddii an Siyaasadda  saxno wax walba waa ku guuleysan karnaa.  Waxaan xooga saari doonaa haddii alle ii qadaro xilka aan raadinayo midnimada ummadda. Arrinta Soomaaliland waa in si buuxda loogala tashadaa dadkii ay taladu ka go’day waana arrimaha mar walba fashilka keenayay intii aan xilka Raiisul Wasaaraha hayay waxaan aad xooga u saarnay in talada ay ka go’do dadka  arrintan sida gaarka ah  quseyso”ayuu ka yiri Xafladdii qadada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi oo kamid yihiin Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Xildhibaan Fowziya Xaji Aden, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir iyo Xildhibaano kale oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha booqashada uu ku yimid guriga Midnimada iyo qado sharafta uu sameeyey. Iyagoo xusay sida loogu baahan yahay in la helo musharax u taagan midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayna mar walba taageeri doonaan cida ka shaqaynaysa isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

img_3369 img_3426 img_3423 img_3389 img_3419 img_3359

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*