26th July 2024  admin  Category :

Haddii Siyaasiyiinta Hawiye,  sida ay   maanta wax u ogyihiin ay u ogaan lahaayeen 1991. Muqdisho waa ka  bad baadi lahayd  burburkii ku dhacay oo ay sabab iyagu  u ahaayeen

Image result for muqdisho 1991

Image result for somalia 1991 war

In badan oo ka mid ah madaxdii jabhaddii USC ee xukunka ka riday madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Jaale Siyaad 1991  ,  ayaa aaminsanaa  markii ay rideen  dawladdi kacaanka  in Taalooyinkii, huteeladdii, garoomadii iyo  dhamaan xafiisyadii dawladdu ee ku yaalay magaalada Muqdisho ay gaar u leeyihiin beesha  Daarood. Waana sababtii keentay in Baasuke iyo qoriga lidka Diyaaradaha lagu garaaco ama lagu  burburiyo dhamaan dhismayaashii dawladda . Maanta siyaasiyiinta  Hawiye maaha kuwii joogay  1991 , waa dhalinyaro wax fahan san oo og in Muqdisho tahay Caasimad Soomaaliyeed ama magaalo Hawiye, wixii la geliyaana ay ka faaiidaysan doonaan dadka degani , Waa arin u baahan in  Bulshada Soomaliyeed inteeda kale soo dhoweeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.
“Taaladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha, Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Taalada Axmed Gurey ayaa kulmisa dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxayna isku xirtaa wadooyin waa weyn oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

 

   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*