26th March 2024  admin  Category :

– Dowlada Federaalka Somaaliya ayaa warsaxafadeed kasoo saartey weerar maanta ka dhacey degaanka Bariire oo ku yaal gobolka Shabeelaha Hoose.

Warsaxafadeedkaan oo kasoo baxey Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegey in ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa wadamada saaxibka la ah Somaliya kuwasoo amar ka haystey taliyaha ciidamada Axmad Maxamad Jimcaale dagaal ka dhacey 25 August agagaarka degaanka Bariire gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo lagu diley 8 kamid ah kooxda Al shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka ayaa sheegey sidoo kale in saaka Beer ku taal Bariire kula dirireen koox ka tirsan Al-Shabaab halkasoo is-rasaaseyn ku dhexmartey ciidamada ku dhinteen 8 ka tirsan ururkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*