26th April 2024  admin  Category :

Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan) oo maanta warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Siyaasigaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, Khaatumo iyo SSC ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq, hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya maamulka Hargaysa, Cayda Faysal Cali Waraabe iyo dareenka bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Ugu horayn siyaasiga ayaa eedayn u jeediyey madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaaliif Gallaydh oo uu sheegay inuu sharaftiisii ka doortay in maro Cassaan ah ay Soomaaliland surka ugeliso.

Cali Maraykan ayaa bogaadiyey ciidanka difaaca dowladda Puntland oo uu sheegay inay shaqo adag u hayaan dalka ayna shalay guulo wax ku ool ah ka gaareen ciidanka maamulka Soomaaliland.

Mar uu ka hadlayey aflagaadhooyinka uu beelaha Soomaaliyeed ee Puntland degan u geystey Faysal Cali Waraabe oo warbaahintu siidaysay ayaa sheegay inuu dowladdii Siyaad Barre ahaa Jaajuus dowladda u shaqeeya marna hablaha iyo ragga sinada samaynaya isu geeya.

Siyaasi Cali Maraykan oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka Sool ka soo jeeda ayaa waxa uu sheegay in hadalkii ahaa in beesha Faysal Cali Waraabe ee Ciidagale ay le’eg tahay Majeerteen ayuu sheegay inay ahayd habaar iyo gaf haseyeeshee uusan waxba ka sheegayn beesha Ciidagale oo ah beel Soomaaliyeed.

Cali Maraykan ayaa sheegay in ciidanka Puntland iyo shacabkuba ay u diyaarsan yihiin inay Soomaaliland ka xoreeyaan gobolka Sool isagoona horgallada Soomaaliland ugu baaqay inay dantooda garawsadaan.

Ugu Dambayntiina waxa uu farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Saleebaan Cali Koore oo uu sheegay inay ciidamo ku daabulayaan Laascaanood si ay dadka shacabka ah u cabburiyaan.

https://youtu.be/KjcvAAKI57Y

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*