29th March 2024  admin  Category :

Adeer Isaga oo Siisoow soo raacay  ayaad intaad  Sitaay ma noogto soo  saarteen  ugu sii daraysaan sii siko.

Waqtigii uu socday dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya ee 1977, ayaa gobolka Sanaag waxaanu  ka raacnay gaari Siisoow ah, uu lahaa Allah ha u naxariistee Maxamuud Gaani oo u socday   magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Todobaatameeyadii ma jirin  laami ka taga gobolada Bari iyo  Sanaag oo ku darsama jidka dheer ee Shiinaha ee  ka yimaada magaalada Muqdisho.

Maalintaan ka baxnay gobolka Sanaag oo anu  sii marnay buurta halista badan ee Dameer,  oo aanu sii dhaafnay  Daarcad, markii danbena gaarnay Taleex,  ayaan horay uga sii soconay safarkayagii  ilaa aanu gaarnay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal goor danbe oo habeenku sii dhamaanayo.

Kuma sii hakan Garowe, safarkayagii ayaan horay u sii wadanay  anaga oo sii dhaafnay sadexda gobol ee  Nugaal, Mudug, iyo Hiiraan.

Maalintii Afraad oo habeenkaa seexanay Janta ku dishi ee bariga ka xigta  degmada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan, ayaanu galabtaas waxaanu  gaarnay degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Markii aanu soo gaarnay Jowhar,  gaarigii aan la soconay waxa loo leexiyey barxadda weyn ee saldhiga booliiska degmada Jowhar, oo aan ka fogayn huteelka dalxiiska iyo Boosteejeda laga raaco gowaarida aadaysa warshadda Sonkorta ee xaafadda Horseed,

Rikaabkii gaariga sarnaa waxa lagu amray in gaariga ka soo degaan oo horay u soo qaataan boorsooyinkooda, Dareewalkii gaariga waday oo lagu magcaabi jiray Ina Dalmar isagana anaga oo maqlayna ayaa lagu amrya in gaarigan la saarayo Sonkor loo qaadayo Ciidamda. markaas looma sheegin ciidamadu halka ay joogaan.

Taliyihii saldhiga haystay markii danbe wuxuu noo sheegay in gaarigu aadayo meel maalmo loo sii soconayo, sidaas awgeed aad idinku  noqotaan kuwo iyagu is dabira siday Muqdisho u tegi lahaayeen .

Maxamed Cabdi, oo dhowr mar oo hore Muqdisho yimid. ayaa hal mar wuxuu yiri war ina keena Siteey ma noogto  ayaan meelahaa ka eeganaynaa . Siteey ma noogto  waa gaari yar oo  magaalada Muqdisho keeni jiray caanaha oo si xun loo soo  rari jiray. Anaguse ma aqoon intayada badani

Gaari Siteey ma noogto ah oo Muqdisho u socday  ayaanu  helnay oo ka yimid  magaalooyinka Mahday iyo Buurane oo caano ku raran yihiin iyo dad aad u  badan. Gaarigii  ayaa anuguna isku sii ciriirinay.

Markaan wax yar soconay oo aanu weli gaarin magaalada  Qalimoow,  ayaa nin ka mid ahaa rikaabkii ka yimid Buurane, wuxuu ku yiri mid ka mid ah rikibaakii ka yimid gobolka Sanaag ” iga siko” oo ah iga durug ama Boowe waa i ciriirisay

Intaanu  jawaabin rikaabkii reer Sanaag,  sida muuqatayna uuna fahmin  hadalka lagu yiri macnihiisa,  ayaa waxa soo booday adeer Cali oo ku jawaabay hadalkan ” Adeer Isaga oo Siisoow soo raacay  ayaad intaad  Sitaay ma noogto  soo  saarteen  ugu sii daraysaan  sii siko. Sikan maayo ee halka uu fadhiyo ayuu Barkinta dhiganayaa?

Image result for gaari siteey ah

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*