18th April 2024  admin  Category :

C/qaadir Maxamed Nuur,  oo magaciisii afgarashada  Alshabaabka xiligii uu ka tirsanaa ahaa (General Jaamac iyo Jaamac Abu-Jihaad). laakiinse hadda ku magacawnaa  Taliye Ku-Xigeenka Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA)ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho lagu xiray.
Sababta lagu xiray ama lagu qabtay  ayaa  hayd inuu garoonka Adan Cade  la yimid Boorso ay ku jirto lacag gaaraysa  1-Malyan oo Doolarka Mareykanka ah, xili uu ku sii jeeday Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee uu asal ahaan ka soo jeedo
Abu-Jihaad ayaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa argaixisada kuwooda ugu xag jirsanaa oo bilaabay in Qof nool la gawraco  ,waxaana ku maqan Kumaan kun  Soomaali ah.

Maanta dadkan noocan ah, oo dhaqanka Mooryaanimada iyo argagixisnimada leh,   oo u naxayn Qaran iyo umad Soomaaliyeed ayaa Soomaaliya madax ka ahoo hor boodaya  . Waana kuwa ay Soomaaliya  ka degi l’adahay, waana kuwa u horseedi doona burbur iyo Soomaali inay kala tagto.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*