26th July 2024  admin  Category :

Maareeye oo magcaabay Faruun Siidoow iyo Cabdi Saqaawe

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood kuwaasoo ilaalinaya tayada iyo badqabka badeecadaha dalka soo gala.

Guddigan ayaa howshoodu waxa ay noqonaysaa in ay ka hortagaan badeecadaha khatarta ku ah caafimaadka dadka iyo degaanka, sidoo kale keenista iyo isticmaalka badeecadaha dhacay ama tayadoodu liidato si loo ilaaliyo badqabka nolaleed iyo caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan dalka ay u leedahay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiga Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin:-

1:  Guddoomiye  Aadan Xasan Barre

2:  Cabdillaahi  Salad Xasan    Xubin

3: Ibraahim Naxamed Xasan   Xubin

4: Fartuun Siidow  Macalin Cabdi   Xubin

5: Cabdi Saqaawe Cismaan  Xubin

Hay’addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*