26th July 2024  admin  Category :

Sida ‘markabkan Isra’iil’ uga badbaaday Soomaalida hubeysan iyo waxa ay sameeyeen ciidamada Mareykanka

Koox hubeysan oo Mareykanku ku tilmaamay inay yihiin ‘Soomaali’ ayaa weeraray markab la la xiriirinayo Israel, oo marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Weerarkaas oo dhacay axadii ayay hada kasoo baxday faahfaahin dheeraad ah, oo aan horay loo haynin.

Markabka oo ah mid xamuul ah oo la la xiriirinaya Israa’iil ayaa watay calanka Liberia.

Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay afduubkaan inay ka dambeeyaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo xiriir xoogan oo wada shaqeyn la leh Iran. Horey dhowr jeer ayay markab ugu afduubteen falal noocaan ahoo kale.

Biyaha Soomalia
Qoraalka sawirka,Biyaha Soomalia

Sidee ayuu u dhacay weerarka Markabka lagu qaaday?

Raga hubeeysan oo gaarayay ilaa shan nin oo wata dooni nooca dheeraysa ah ayaa weeraray Markabka oo maray meel aan sidaa ugu fogayn biyaha Soomaaliya.

Shaqaalaha marka ayaa codsi u diray maraakiibta ciidamada Mareeykanka kadib markii ay raggaan hubeeysan weerarka ku qaadeen isla markan ay soo fuleen markabka.

Ciidamada Badda Mareykanka oo isla markiiba soo gaaray ayaa fashiliyay weerraka lagu doonayay in lagu qabsado markabka oo lagu magacaabo Central Park, sida ay shaacisay dowladda Mareeykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shanta nin ee weerarka ku qaadeen markabka, oo ay hadda ku tilmaameen inay yihiin Soomaali. Waxaa la qabtay xilli ay isku dayayeen inay ku baxsadaan doon nooca dheereeya ah, laakiin markabka dagaalka Mareykanka ee Mason oo ku sugnaa meel u dhow halka weerarka uu ka dhacay ayaa qabtay raggaas.

Afhayeenka u hadlay wasaarrada gaashandhiga Mareeykanka ee Pentagon Sareeye Guuto Patrick Ryder ayaa xusay inay wali jirto suurtagalnimada ah in Xuutiyiinta ay kaalin ku lahaayeen iskudayda afduub iyo weerarka lagu qaaday markabka.

“Waan sii wadi doonaa qiimeynta, laakiin calaamadaha bilowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay wasaarrada gaashaandhiga Mareykanka.

Afhayeenka waxa uu ku tilmaamay weerarka in uu yahay mid burcad-badeednimo.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareeeykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in Markabka iyo shaqaalihii saarna ay dhamaan badqaaban oo ay ku sugan yihiin goob amaan ah.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo Balaastik ah markii dambe laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan ee jihooyinka maraakiibta.

Maxaa laga yaqaan ‘markabka Isra’iil’ ee la weeraray?

Markabkan oo sitay calanka Liberia ayaa waxaa maamusha shirkada badeecadaha qaada oo fadhigeedu yahay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Shirkadaas waxaa leh qoys Israa’iiliyiin ah oo ganacsato ah waxaan iska leh qoyes reer israa’iil oo ganacsto ah. Waxaa naaquude ka ah markabka nin u dhashay Turkiga.

Shirkada Zodiac ayaa war soo saartay ku sheegtay inay markabka saarnaayeen 22 shaqaale oo u kala dhashay Ruushka, Fiitnaam, Bulgaariya, Hindiya, Joorjiyaiyo Filibiin.

Dowladda Turkiga oo uu dhashay naakhuudaha markabka waday ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la waayay xariirka markabka xili uu marayay xeebaha Yamen.

Marakab
Qoraalka sawirka,Marakab

Weerarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay kii saddexaad oo lagu qaado markab maraya meel u dhow xeebaha Soomaaliya muddo labo toddobaad gudahood ah.

Kooxda hubeysan ee ee Xuutiyiinta ee ay Iraan taageerto ayaa weeraro is-daba-joog ah ku qaadeeysay maraakiibta gacanka Cadan. Waxaa weeraradaas kor dhay la la xiriirinayaa dagaalka u dhexeeya Israil iyo Xamaas.

Waxaa jiray weeraro xiriir ah oo ka dhacay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu dagaal dhex maray Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*