26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Gobolka Bari iyo Kan Degmada Bosaaso Oo Tallaabo Adag ka Qaaday Malayshiyaad Dagaalamay.

Magaalada Bosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari ayaa maanta waxa ka dhacay Iska Hor Imaad u dhaxeeya Shirkadaha Korontada iyo Isgaarsiinta Ee Golis iyo Eeneeye.

Iska Hor imaadkan oo mudo soo jiitamayay ayaa salka ku haya Isticmaalka Baalayaasha Dabka Qaada iyo kuwo Telefoonada ee Shirkada Golis.

Malayshiyo ka socotey dhanka Shirkada Eeneeye ayaa Weerartay Xarunta weyn ee Shirkada Golis,halkaas oo ay kala kulmeen iska caabin xoogaan labo Qofna ay ku dhaawacmeen.

Intaasi ka dib waxa isla goobta soo gaaray Ciidamo ka socda dhanka Dowlada iyo Weliba Maamulka Gobolka Bari iyo Kan Degmada Bosaaso,kuwaas oo kala dhexgallay labadii malayshiyo,isla markaasina xiray ku dhowaad 20-qof oo isugu jira Malayshiyaadkii dirirtu dhexmartay iyo Qaar ka Mid ah Madaxda Labada Shirkadood,iyadoona Maamulka Dowladu sheegay inay Tallaabo Sharciga Waafaqsan la Qaadi Doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*