26th July 2024  admin  Category :

Shirka Nabadeynta  beelaha Habar gidir iyo Leelkase oo ka furmay Bandiiradleey

Shirweynahan oo socon doona muddo 5 cisho ah isla markaana looga hadli doono xalinta colaad beeleedyo muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa deegaannada Galbeedka Gobalka Mudug ayaa ka furmay deegaanka Bandiiradleey ee Gobalka Mudug

Furitaanka shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo xubno ka tirsan Baarlamaanada Galmudug iyo Puntland, waxgarad iyo salaadiin kasoo kala jeeda beelaha colaaddu ka  dhax oogan tahay

Shirweynahan ayaa furitaankiisa waxaa ka hadlay mas’uuliyiintii ka socday labada maamul gobaleed kuwaa oo sheegay in ay rajeynayaan in shirweynahaan uu noqon doono mid ay ka soo baxaan qodobo xal u noqan kara colaadaha kusoo laa laabtay deegaannada dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo

Ugu danbeyna waxaa kulanka la hadlay Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid waxaana ay sheegeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan nabadeynta, mudooyinkana ay ugu kala sugnaayeen degmooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob si ay waxgaradka iyo bulshada kale ee beelahoodu colaaddu ka dhax jirto ugala shaqeeyaan nabad waarta oo dhex marta beelaha colaaddu ka dhax jirto

Deegaanka Taaroge oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ku soo noq noqonayay colaado iyo dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray beelaha halkaasi wada daga ee kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*