26th July 2024  admin  Category :

Shirka iskaashiga dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Japan oo ka Furmay Magaalada Johannesburg

Shirkaan ka furmay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa soo agaasimay dowlada Japan ayaa waxaa kaso qeybgalay Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Criral Ramaphosa, Wasiiro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo wasiiro ka socda dalka Japan,madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn dalka Japan iyo dalalka Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa sidii maalingalinta dowlada Japan ay ka sameyneyso dalalka Qaarada Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow ay u sameysan lahaayeen dowladaha Afrika iyo Japan.
Wasiiru Dowlada wasaarada Arimaha dibada iyo iskaashiga Cabduqaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha wasaarada ee dhanka Xariirka caalamiga ah iyo iskaashiga, Daahir Salaad Xasan  ayaa Soomaaliya uga qeybgalay shirkaan heerka caalami ah,wasiiru dowladaha oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa ka warbixinaya shirkaan.

Wafdiga ka socda wasaarada Arimaha dibadda ee xukuumada fedaraalka Soomaaliya ee shirkaan ka qeybgalaya ayaa kulamo gaar gaar ah waxaa ay la qaateen wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha dibadda ee dalka Japan iyo Waliba madaxweyne ku xigeenka hey’ada gargaarka iyo horumarinta ee dalka Japan kuwaa oo ay kala hadleen sidii loo dardargalin lahaa mashaariicda dowlada japan ay ka sameyso Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo maalinta bari ah ayada oo inta uu socdana ay shiradaha dalka Japan iyo shirkada laga leeyahay qaarada Afrika ay kusoo bandhigi doonaan wax soo saarkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*