19th May 2024  admin  Category :

Hogaamiyihii Irir samaale oo Jabuuti ku soo dhoweeyey Ergaygii Madaxweynha Soomaaliya u magcaabay beesha Isaaq.

Kaligii taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ahna gudoomiyaha Ururka Irir samaale ee geeska Afrika, oo maalmahan danbe ku mashquulsanaa sidii loo hakin lahaa ama loo jebin lahaa Jamaahiirta gobolka Sool ee doonaysa inay ilaaliyaan midnimada Soomaaliya ayaa Caawa dalkiisa kula kulmay Ergayga loo magcaabay dhabar jebinta Jamaahiirta.

Cabdikareen Guuleed, oo ah Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u magcaabay arimaha beesha Isaaaq, oo ujeedada ugu weyni ee laga leeyahay ay tahay sidii ay beesha Isaaq ugu guulaysan lahayd gacan ku haynta gobolada Sanaag iyo Sool ayaa caawa lagu soo dhoweeyey Jabuuti.

Wafdiga Cabdikareem ooayna ka mid ahayn haba yaraatee dad ka soo jeeda beesha Daarood ayaa hor dhac qorshe uu doonayo kaligii taliyaha Jabuuti inuu isku hor fariisiyo M, Xasan Culusoow iyo Muuse Biixi.

Ugu danbayntii Shirkan waa Xaaraan lagu dulminayo Soomaalida qaarkeed sidaas awgeed waa in laga hor tagaa oo haddii Soomalinimo la diiday sida ugu dhakhsiyaha badan loo tagaa xadkii beelaha iyo Caynabo

ALLSANAAG,COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*