26th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la qaban doono shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka oo ka qeyb-galayey barnaamijka kulanka toddobaadka ee kabaxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka (SNTV) ayaa sheegay in shirkan uu noqon doono kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah, isla markaana lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Hey’adaha Qaramada Midoobay ay isla garteen in lacagaha lagu bixinayo gargaarka badankood lagu maalgeliyo horumarinta beeraha, si  wax looga qabto abaaraha soo laa-laabtay.

“Saannadkaan Wasaaradda waxa ay hiigsaneysaa sidii Soomaaliya tobanka sanno ee soo socdo loogu diyaarin lahaa in laga dhigo waddanka ugu awoodda badan dhinaca Dhaqaalaha waddamada Afrika” ayuu Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay Wasaaraddu sameysay sahan lagu qiimeeyo maalin walba heerarka maciishadda dalka  oo ah halka laga ogaan karo isbadellada ku yimaada kobaca dhaqaalaha, ayna ku rajo weyn yihiin in la qiimeeyo dhammaan alaabaha dalka la keenno iyo kuwa dalkeenna laga dhoofiyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*