26th July 2024  admin  Category :

Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmaya Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeeddada safarka ayaa ah ka qaybgalka Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay martigelisay Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulan la qaateen Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Wasiir Cabdi Xoosh oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay ujeeddada safarka.

“Marka hore waxa aan dooneyaa inaan ka mahadceliyo soo dhaweeynta wanaagsan, waxaa aan u nimid Baydhabo ka qaybgalka Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaheenna oo sedexdii bilba mar qabsoonta; Koonfur Galbeed in ay markan martigelineyso waxa ay cadeeyn u tahay wadashaqeynta wanaagsan ee inagala dhaxeeysa marwalbana waanu sii wadeynaa xoojinta iskuduubnida iyo midnimada” ayuu yiri AVV Xoosh.

Dhankiisa Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ammaanay dedaalka uu wado Wasiir Cabdi Xoosh ee ah in wadashaqeynta Wasaaradaha la xoojiya.

Ugu damabayn, shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee MoCA Forum ayaa beri ka furmi doona magaalada Baydhabo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*