26th April 2024  admin  Category :

 Muudeey “Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari Waa Sharci”

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu dhaqan galay

C/wali Muudey ayaa sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu tilmaamay mooshinka sii wadidisa iyo qaabka uu u shaqeynayo uu isaga leeyahay.

“Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaano, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay”ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

Waxaa uu sheegay in aan lagu jahwareerin wararka suuqa la soo geliyay ee ku saabsan sharci ahaanta mooshinka, isagoo mar kale ku celiyay in mooshinkaas uu yahay mid sharci ah.

Mar la weydiiyay kulankii Guddiyada joogtada ee lagu buriyay Mooshinkii Xildhibaanada ka keeneen Guddoomiye Jawaari ayuu sheegay in kulankaas uusan sharci aheyn, mar hadii uu isna u yeerin, isla markaana Guddoomiyaha mooshin laga keenay.

“Guddiga Joogtada u yeeristiisa aniga is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn inuu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro”ayuu yiri mar kale Guddoomiye Muudey oo intaa ku daray in tirada Xildhibaanada saxiixay mooshinka ay gaarayaan 107 Xildhibaan.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Muudey ayaa ayaa abuuraya xaalad hor leh iyo qalalaase uu lugaha la galay Golaha shacabka, waxaana haatan la isku heystaa sharciyada Mooshinka ku fadhiyo, lama oga halka uu ku dambeyn doono xaaladan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*