26th July 2024  admin  Category :

Xukuumada Xasan Culusoow oo dib usoo celisay Shirarkii Nairobi lagu qaban jiray ee bahdilka ku ahaa qaranimada soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi kula kulmay xubno ka socda saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya taageera

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera horumarka iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa la wadaagay Saaxiibbadda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo nidaamka hufan ee Dowlad Wanaagga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*