26th July 2024  admin  Category :

Waxaa la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii 28aad ee IGAD oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho, iyadoo shirka uu socday muddo saacado ah.

Shir madaxeedka IGAD oo ay ka soo qeyb galeen Hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dalkiisa lagu marti gelinayay uu goob joog ka ahaa.

Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay horumarada ay sameysay dowladda hada waqtigeedu dhamaaday, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

.

shirka-igad shirka-igad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*