7th May 2024  admin  Category :

Shir deg deg ah oo la’isugu yeeray dalalka Islaamka si looga fal celiyo kitaabkii Qur’aanka ee lagu gubay Sweden

Wadamada Muslimka ah ayaa ku shiraya dalka Sacuudiga si ay uga hortagaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden

Ururka OIC ayaa shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden.

Doodda ay soo qaban qaabisay Sacuudiga ayaa lagu lafa gurayaa tallaabooyinka ku haboon ee laga qaadi karo waxa ay kooxdu ugu yeertay falka gardarrada ah.

Kooxdan ayaa horey u cambaareysay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden.

waxa uu ka sameeyay bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, fal ay ka gadoodeen dhamaan Muslimiinta maalintii Ciidul Adxaa.

Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa casuumaad u fidiyay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin.Article share tools

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*