6th May 2024  admin  Category :

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka

Duqa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasoota ee dalka Maraykanka Mr.Jacob Frey oo ka hadlay xaflad lagu maamuusaayey todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalkaasi.

Xafladdaan oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka ,waxaa uu Duqa magaalada si gaar ah ugu diray dowladda Soomaalaiya oo ku howlan todobaadka xoriyadda, gaar ahaan 1-da Luulyo oo ku beegan Berrito.

Duqa magaalada Minneapolis oo la hadlay war-baahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay Jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka in ay yihiin dad firfircoon oo ka qeybqaatay horumarka ka socda dalkaasi

Mr.Jacob Frey ayaa sheegay in uu qorshaynayo safar uu ku yimaado gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*