26th July 2024  admin  Category :

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya Horumarinta Duulista iyo Gaadiidka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.

Kulan ay yeesheen, ayaa looga hadlay wada shaqeynta dhinacyada Duulista iyo Gaadiidka, iyadoo Safiirka Shiinaha uu ballanqaaday inay door muuqda ka qaadanayaan hannaanka casriga ah ee loo qalabeynayo dhismaha xarunta Hay’adda , tabbabarada Shaqaalaha hay’adda iyo horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka.

“Shiinaha waa dal ka mid ah kuwa ugu horreeya dunidda ee Duulista iyo Gaadiidka , si loo gaaro hiigsigeenna horumarinta wuxuu Safiirka inuu xaqiijiyay tallaabooyinka u horreeya ee horumarinta Hay’adda Duulista.” Ayay tiri Wasiir Fardowsa .

Wasiirka, ayaa xaqiijisay iskaashiga Shiinaha inuu sidoo kale gacan ka geysanayo adeegyada Duulista iyo Gaadiidka Soomaaliya inay noqdaan kuwa u sarreeya ee gobolka.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*