26th April 2024  admin  Category :

Dhulkan duulaanka lagu yahay maxaa uga qorshaysan reer Maakhir.

Wax kasta ayaa ka baxa buuraha Calmadow oo biyuhu durduraan. Dhamaaan beeraha biya qulqulayaa lagu waraabiyaa; qalab casriya oo wax lagu qodo dadku ma heystaan. Xitaa siligyo ka celiya daayeerka iyo xayawaanka kale ee geedaha baabi’iyaa kuma wareegsana beerahaas. Ood geedaha laga soo jaray oo aan wax badan celin karin, oo hadba baaba’ada, ayaa badanaa ku wareegsan.

Nasiib darro khudaarta dhibkaa iyo dayacaa  loo maro beeritaankeeda, wado xuma darteed, waa adag tahay in marka la soo gooyo si sahlan loo gaadhsiiyo magaalooyinka. Beeraleydu waxay sheegaan iney dameero iyo gawaadhi yaryar oo keliyii ay gaadhi karaan dhul beereedka. Maadaama kuwaasi aanay waxba qaadi karin badanaa waxa dhacda in khudaarta noocyadeed kala duwani halkaa ku qurunto iyadoo dad fogaasha yar u jiraa baahi u qabaan.

Calamadow Maakhir Makhir Puntland Somalia

Horumarka Soomaaliyeed kuwa ka shaqeynayaa waa iney dhul beeraadka Calmadow qalab, tababar beereed iyo wado la gaadhaan si ummada Soomaaliyeed uga faa’ideysato dhulkeeda. Dad badan ayaa rumeysan in meesha keliya oo Soomaaliya wax laga beeri karaa tahay dhulka webiyada ee Koonfurta. Gobolka Sanaag dhul beereedkiisa caalamka iyo dawladihii Soomaaliyeed waa dayaceen. Kuwa Soomaaliya mashaariicda ka dhigtaa waxaad moodaa in aaney jecleyn in mashruucyada Soomaalida waxa weyn u taraya, sida horumarinta beeraha,  aaney muhiimad siin. Waxa la gaadhay xilligii beeraleyda Calmadow wax loo qaban lahaa sida in wado loo furo, qalab loo geeyo iyo in shaqaalaha beeraha loo tababaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*