29th March 2024  admin  Category :

Shirkii Farmaajo ku calmaday inuu beelaha Isaaq hor fariisto oo fashil ku dhamaaday

Sawirka sare waa Faemaajo oo hor fadhiya horjoogayaasha beelaha Habar awal iyo Habar Jeclo. Hal qof ka soo jeeda beesha Daarood lama socon,

Wada hadalada Soomaaliya iyo SNM uiga furmay Jabuuti ayaa la xaqiijiyay in shirka uu fashil ku yimid, kaddib markii Gacan ku dhiiglaha, horjoogaha u ah SNM Muuse Biixi uu diiday in laga hadlo arrin la xiriirta Midnimada Soomaaliya oo ka mid ahaa ajandayaasha shirka, sidaas darteed uu dalbaday in loo wada hadlo si siman oo heer labo dowladood ah.

Khudbadii furitaanka Gacan ku dhiiglaha ayaa ku jirtay in aanu marna diyaar u aheyn inay dib ula midoobaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay inuu Jabuuti u yimid isla garashada Midnimada Soomaaliya, Taas oo macnaheedu ahayd in Soomaalida Waqooyi degta ay SNMtu ka mas’uul yiihiin

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka Yamamoto ayaa sheegaya inay ka xumaadeen in hor joogaha SNM aanu diyaar u aheyn tanaasul.

Waxaa hadda socota diyaarinta war murtiyeed laga soo saaro shirka, kaasoo lagu caddeynayo in dib soo bilaabashada wada hadalada ay tahay guul weyn, sidoo kalena Guddi Farsamo loo saari doono sii wadida wada hadalada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*