26th March 2024  admin  Category :

Dhaartii Shiikh Shariif ee aheed in Muqdisho ay ka saarayaan Farmaajo iyo Nabad iyo Nolol haddii ay joojin waayaan dhaqanka maalin kasta loogu xayirayo garoonka diyaaradaha, ayaa aheeyd mid dad badan aysan jecleeysan, balse ay aheed mid lagu qasabay in uu sidaa u hadlo.

Hadalkaas dhaarta ahaa ee Shiikh Shariif ayaa dad badan waxeey u arkeen inuu ahaa mid qof madaxweeyne soo noqday aan ku wannaagsaneen inuu ku hadlo.

Waxaase dhab ah, in Shiikh Shariif uusan ku qaldaneen dhaartaas uu jeediyey sababtoo ah dalka Soomaaliya kama jirto hay’ad ka mid ah kuwa dawladdda oo qabata qaladka madaxweeyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku kacayaan, mana muuqato ixtiraam ka imanaya dhinaca Farmaajo ee ku aadan in la ixtiraamo madaxweeynayaashii horre iyo xaquuqda ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hadaba, haddii uusan jirin ixtiraam loo hayo muwaadinka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka sharciga, waxaa xalka uu yahay in la adeegsado gacan taas oo ah midda Soomaali badan oo aan caqliga u saaxiib aheeyn ay wax ku fahmaan.

Sidoo kalle, Cabdi Qaasim Salaad oo soo noqday madaxweeyne ayaa dhinaciisa sheegay in dhaarta Shiikh Shariif laga habboonaa, dalkana uu leeyahay baarlamaan kaas oo xallin kara muranka jira, balse waxaa dhab ah in dalka baarlamaankiisa uu yahay mid u shaqeeya danaha Farmaajo iyo koosdiisa Nabad iyo Nolol.

Gabagabada waxeey tahay, haddii Farmaajo uusan ku dhaqmeeyn sharciga, kana xishooneeyn madaxweeynayaashii isaga ka horeeyey, dalkana uusan laheeyn hay’ad qabaneeysa qaladaadka Farmaajo iyo saaxibadii, Shiikh Shariif inuu dhaar adeegsado iyo welliba haddii loo baahdo abaabul dagaal waa mid uu ku saxsanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*