
4th October 2026 admin Category :
Baarlamaanka dowladda Sweden waxaa 4ta sano ee soo socota kamid ahaan doona 5 xubnood oo Soomaali ah oo dhamaantood la doortay. Waxaa lagayaabaa ineey ka bataan balse ilaa iyo hadda waxaa si rasmi ah kursigooda u helay kadib tartan adag 1-Leila Ali Elmi oo horay u aheed xildhibaaka kaliya ah ee ay soomaali ku leedahay 2- Mursal Isa 3-Ilyas Hassan 4-Mohamed Abdukani 5-Hassan Abaadir Kaliya kuma aan guuleeysan inaan ka adkaano xagjiriintii balse waxaa qornay taariikh cusub oo aan wali ka dhicin Sweden.
Afar ka mid ah Xildhibaandan ayaa ka soo jeeda Puntland, sadex ayaa ka soo jeeda Beesha Majeerteen iyo Xildhibaan ka soo jeeda beesha Dishiishe. Xildhibaanka kale ayaa ka soo jeeda Beesha Shiikhaal oo ku koray Puntland
Hambalyo u noqoto mudane #EliasHassan oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Sweden! ππΈπ΄πΈπͺ
— cibaado warsame (@CibaadoWarsame) September 14, 2026
Goolkan weyn wuxuu kor u qaadayaa matalaadda bulshada, wuxuuna muujinayaa doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhismaha bulshada. Guul u rajaynaynaa! β¨#Somalia #Sweden pic.twitter.com/Nv321ltsgY







