25th February 2024  admin  Category :

Shan arrin oo lagu diidan yahay qorshaha Xasan Sheekh, iyo waxa ka dhalan kara

Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in baarlamaanka loo keeno heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) iyo cutubyo ka mid ah dastuurka oo la waafajiyey heshiisyadaas.

Waxaa ugu soo horreeya heshiiskii GWQ ay gaareen bishii May 2023 oo dhigayay in golaha fulinta dalka loo baddalayo nimdaam madaxtooyo, in dalku yeelanayo laba xisbi oo kaliya, iyo in dalku qaadanayo nidaam-doorasheedka liiska xiran ee metalaadda isku-dheelli-tiran oo hal deegaan ah.

Heshiiska waxaa lala keenayaa dhowrka cutub ee ugu horreeya dastuurka. Waxaana ku soo xigi doona heshiisyadii kale ee ay gaareen Golaha Wada-Tashigga Qaranka iyo cutubyada kale ee harsan.

Waxaa jira welwel ah in isbedelkan weyn ee dastuurka ee saamaynta weyn reebi doona si degdeg ah, qarda-jeex ah oo gacan-maroojis ah lagu marsiiyo baarlamaanka meeshii loo talo badsan lahaa doodda.

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya wuxuu soo maray heerar kala duwan. Wuxuu ka soo billowday shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Djibouti ka dhacay sanadkii 2000.

Dastuurkii ku meelgaarka ahaa ee halkaa ka soo baxay waxaa lagu cilladeeyey in ay qeybo muhiim ah (hoggaamiye-kooxeedyo) ay ka maqnaayeen. Shirkii Mbagathi, Kenya ayaa la yiri waa lagu dhameystirayaa.

Mbagathi waxaa ka soo baxay Axdi-Qarameedkii Dowladda Federaalka. Axdigaas ayaa dhigayey habka loo abbaarayo dastuur-sameynta dalka.

Guddiyo badan iyo is-qab-qabsi badan kadib, waxaa la wareegay gacan-ku-heynta dastuurka xafiiska siyaasadda u qaabilsanaa Qaramada Midoobay (UNPOS).

Ugu dambeyntii, Ergeygii Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga iyo lix siyaasi oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii dowladda Ku-Meelgaarka ah (Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali-gaas oo dhinac ah iyo madaxweynihii Puntland (Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole) ayaa si degdeg ah oo ka baxsan hannaankii dastuur-sameynta ku hirgeliyey qabyo-qoraalka hadda jira.

Sida ku cad dastuurka hadda jira, waa qabyo, waana la baddali karaa. Marka dooddeydu kuma saabsana mabda’a ah in labadalo dastuurka. Waxay la xiriirtaa hannaanka loo abbaarayo is-baddalladan waaweyn iyo ujeeddooyinka ka dambeeya oo ku dhissan dano kooxeed aan sii ridneyn.

Qabyadu Halkay ka Jirtaa?

Qabyadu waxay ka timid laba dhinac. Tan hore, waa inay jiraan qeybo Soomaaliya ka tirsan oo ka maqan heshiiska guud ee Soomaalida oo aan shirkii Carta, Djibouti iyo kii Mbagathi, Kenya aan ka qeyb-galin.

Mashruuca hadda Xamar ka socda waxaa ka maqan Somaliland, Puntland iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Waxaa heshiiskan gaaray madaxda dowladda dhexe iyo madaxda afar gobol oo ku tiirsan Muqdisho. Taas macnaheedu waa in heshiiska siyaasadeed ee bulshada ay dowladnimadu ka dhexeyso uu qabyo yahay.

Qabyadaasna waa ay jiri doonta inta uu xoog Soomaali ah bannaanka ka taagan yahay heshiis-siyaasadeedka. Waxaana lama-huraan noqon doonta in lala heshiiyo ama la qasbo kooxaha ka maqan heshiiska siyaasadeed ee dalka.

Tan labaad, dhowrkii qof ee isla-kaliyeeyey dastuur-qorista 2012-kii waxay ku heshiin waayeen arrimo muhiim ah oo tiradooda la gaarsiiyo ilaa 14 qodob.

Qodobbadan waxaa ka mid ah asteynta awoodaha labada heer-dowladeed, nooca ay noqoneyso hey’adda fulintu (Presidential vs Parliamentary), doorka aqalka sare, maqaamka caasimadda iyo qeybsiga hantida.

Sida ay tii hore dhowr siyaasi u maamusheen, ayay tiro kooban oo xubno ka ah Golaha Wadatshiga Qaranku isla-keliyeeyeen go’aan ka gaarista arrimaha ay kuwii hore ku heshiin waayeen.

GWQ oo ay ka maqan yihiin kooxo badan waxay go’aamiyeen in nidaamka fulinta dalku noqdo madaxtooyo, waxayna asteeyeen awoodaha labada heer-dowladeed.

Waxaa kale oo ay isla garteen in dalku yeesho laba xisbi oo kaliya; in nidaamka doorashooyinku noqdo qof iyo cod ku salaysan Liiska Xiran ee Matalaadda Isku-Dheelli-tiran; iyo dalka oo dhan oo ay ka dhigeen hal-deegaan doorasho. Waxaana si habaqle ah looga guurayaa awood-qeybsigii qabaa’ilka ee 4.5.

Maxaa la diidan yahay mashruuca dowladda?

Villa Somalia

Mashruuca dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh ee ku aaddan hirgelinta heshiiska GWQ oo uu ku hoos-jiro wax-ka-baddalka dastuurku waxaa lagu diiddan yahay shan sabbabood.

Kow, waa mashruuc aan wada tashi bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku filan helin. Waxaa jira welwel weyn oo laga qabo in dowladdu ay dooneyso inay degdeg, qarda-jeex iyo gacan-maroojis ku meel-mariso mashruucan ay wadato.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu la galay heshiisyo baal-marsan nidaamyada lagu dhaqmayey madaxweynayaalka maamul-goboleedyada dalka, qaarkooda ku tiirsan dowladda dhexe. Inay oggolaadaan mashruuciisa, wuxuu ugu baddalay hoggaamiyeyaalka gobollada waqti-kordhin uu u dheereeyey xilliaga ay joogayaan xukunka.

Waxaa laga baqayaa inay dowladdu rabto inay ku xaqiijiso hadafkeeda awood-marooqsiga ah si qardo-jeex iyo gacan-maroojin ah. Mabaadi’da aasaasiga ee dastuur samaynta ama dastuur wax-ka-beddelka waxaa ugu muhiimsan in kooxaha ku loollamaya xukunka dalka iyo dadweynuhuba ay ka qeyb-qaataan. Taas in aan la isku deyin, loona socon ayaa muuqata.

Labo, waa masruuc kooxeysan. Tan iyo markii uu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud la wareegay xukunka (May 2022), waxaa ay kooxdii madaxweynuhu isku-koobeen xukunka. Waxay qaateen aragtida ah kooxdii guuleysatay ayaa wax walba qaadanaysa.

Sidaa darteed, madaxweynuhu ma dhisin xukuumad midnimo qaran iyo guddiyo ay aragtiyada kala duwani ku wada jiraan. Wuxuu xilalka badidood siiyey is-bahaysigiisa. Dastuur-Samayentu waxay ka mid noqotay arrimaha ay dowladda iyo taageerayaashoodu gaar ula baxeen. Runtiina, hal koox kuma filna inay qaadato go’aamadan waaweyn.

Saddex, waa mashruuc intii heshiis-siyaasadeedka hadda jira ku wada joogtay qaarkood (Puntland) meesha ka saaraya, islamarkaasna aan soo kordhineyn kuwii hore u maqnaa (Somaliland). Waddada ay qaateen madaxda dowladdu waxaa ku baxay Puntland oo qeyb weyn ka ahayd sameynta dastuurka hadda jira. Haddana waxaan la iska-indho tiri karin dhaawaca ka iman kara maqnaashaha qeybo hore ugu jiray xeyn-daabka dowlad-dhiska. Dhanka kale, waxaa jira guux xoog leh oo ka imanaya mucaaradka oo dareensan in dastuurkii iyo dalkiiba ay hal koox is-lahaysiiday.

Afar, waa mashruuc ku dhissan degdegsiinyo, jidbo iyo farsamo xumo. Malaha madaxda dowladdu hoos uma fiirin saameynta weyn ee ay yeelan karaan is-baddallada ay wadaan. Heshiis-siyaasadeedka qabyada ah ee Soomaalidu ku wada joogto waxaa ugu waaweyn awood-qeybsiga beelaha iyo nidaamka federaalka ah. Is-baddallada ay dowladdu sameyneyso waxay saameynayaan labadan arrimood.

Nidaamka doorashooyinka ee ay dowladdu rabto wuxuu wax weyn ka baddalayaa awood-qeybsiga beelaha. Tan kale, GWQ waxay asteeyeen awoodaha heerarka dowladda. Waxaa ka muuqda sida ay u qeybiyeen awoodaha inay xoojinayso dowladda dhexe.

Shan, heshiiska GWQ ee loogu guurayo nidaamka madaxtooyadu wuxuu dhaawacaya isla-xisaabtanka hey’adaha dowliga ah, mana keenayo baddal (khiyaar) kale oo lagu hubinayo isla-xisaabtanka. Tusaale, dowladdu waxyaalaha ay ka rabto baarlamaanka waxaa ka mid ah in dalka loo rogo madaxtooyo oo laga guuro nidaamka baarlamaaniga ah.

Baarlamaanka Soomaaliya awoodda ugu weyn ee uu heysto waa inuu doorto madaxweynaha iyo inuu siiyo codka kalsoonida ra’iisul-wasaaraha, islamarkaasna uu markuu rabo ceyrin karo labadaba. Baarlamaanka ayaa sameeya hey’adda fulinta.

Hadda waxaa la leeyahay hey’adda fulintu waa ay idinka madax-bannaanaanaysaa ee aqbala oo weliba laba usbuuc gudahood awoodda aad heysataan wareejiya. Dabcan, nidaamka madaxtooyadu waa uu leeyahay waxtar, waxaana ka mid ah in hey’adda fulintu ay fariisato oo aysan is-baddelin waqtiga xilka.

Shaqsi ahaan dhib uma arko nidaamka madaxtooyada. Ha yeeshee waa ay ila fog tahay in hey’ad jirta oo soo taagan la yiraahdo is-burburiya oo ay yeesho iyaduna. Waxaa ii muuqda hey’adda fulinta oo laqeysa hey’adaha kale. Dhanka kale, waxaan arkaa habab kale oo lagu gaari karo is-baddal heshiis lagu yahay.

Maxaa ka soo bixi kara hawlahan socda?

Villa Somalia

Saddex waddo midkood ayay mid noqon kartaa. Kow, in dowladdu ay ku guuleysato mashruucan oo ay dardarto xoogagga ka soo horjeeda. Taas waxaa ka iman kara inay awood farabadan ay ku soo ururto Muqdisho iyo hadba qofkii Villa Soomaaliya madax ka ah. Waxaa kale oo ka dhalan kara in la waayo awoodo is-dheelli-tira oo uu baarlamaanku isagoo awalba taag-darnaa uu iska baaba’o. Xoogagga ka maqan heshiis-siyaasadeedka dalkuna waa ay sii fogaan karaan. Dastuurka ka dhasha halkaasna wuxuu noqon doona mid kooxeysan oo deegaamaysan, kuna kooban qeybo ka mid ah dalka.

Labo, in dowladda, iyadoo qarda-jeexeysa, laga adkaado oo ay mashruucan ay marsiin weyso golaha baarlamaanka. Taas waxaa ka dhalan doona inay ku qasbanaadaan in is-baddal weyn uu dhaco oo ay xasilloonidii siyaasadeed ee uu madaxweynuhu heystay ay meesha ka baxdo. Ugu dambeyntii, waxaa dhici karta oo aan rajeynayaa inay weli fursadi u furan tahay in dowladdu ay xikmad, miyir iyo farsamo la timaad oo ujeeddooyinka loo socdo iyo jidadka saxda iyo suurta-galka ah ee loo marayo ay la falanqeyso xoogagga siyaasadda iyo waxgaradka dalka.

Waxaan ku soo koobayaa qormadan, xitaa haddii baarlamaanku isku raaco, dastuurkani kuma qabyo-tirmayo ansixinta go’aamada Golaha Wada-Tashiga Qaranka. Qabyadu way jiraysaa inta uu xoog Soomaali ah bannaanka ka joogo heshiis-siyaasadeedka (Political Settlement) Soomaaliya.

Waxaan leeyahay waxaa jira habab kale oo lagu sameyn karo is-baddal fiican iyadoo la wada-hadlayo. Waxaan leeyahay jidbada iyo degdegga ha la joojiyo. Waxaan leeyahay ujeeddooyinka dhow ee awood-marooqsiga ah ha loo sugo. Waxaan rajeynayaa in qormadani ay billow u noqoto dood ballaaran iyadoo aan laga tegeyn edebta iyo ixtiraamka. Dadka waxgaradka ah iyo kuwa xog-ogaalka ah waxaan qabaa inay ka qeyb-qaataan doodda oo aysan dib isu-dhigin.

Afyare Cabdi Cilmi waa macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Wuxuu ku taqasusay cilmiga siyaasadda, wuxuuna PhD ka qaatay Jaamacadda Alberta, Canada. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*